Hargeysa(Xogsoor Media.Net):Xulalka qaramada Faransiiska iyo Belgium,ayaa guulola yaableh ka soo hooyay kulamdii galabta iyo caawa ay la ciyaareen xulalka qaramada Uruguay iyo Brazil oo ahaa labadii xul qaran ee ka soo hadhay dalalkii koobka adduunka ka qayb gelayay ee ka socday laatiin America.
Xulkii qaranka ee koobka Adduunka sida weyn loogu saadaalinayay ee Brazil ayaa ka mid noqday dalalka ku hadhay wareegga si agagga 8 dhamaadka ka dib markii xulka Belgium ay si la yaableh uga cidhitbireen in ay hungureeyaan hanashada koobka sanadkan ee ka socda dalka Ruushka.
Xulka qaranka Belgium ayaa si layaableh uga soo badbaaday imtixaankii ugu waynaa ee koobka aduunka ay ku soo arkeen waxayna meel iska saareen Brazil oo hadda raaci doonta dariiqii xulalkii waa waynee ee koobka aduunka loo saadaalinayay.
Xulka qaranka Belgium ayaa afar dhamaadka koobka aduunka balan kaga samaystay xulka France oo isna guul ka gaadhay Uruguay. Xulalkii South America waxaa afka gashaday xulalkii Yurub oo hadda ka dhigay tartankii qarmada Yurub oo kale.
SHIXHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:
Brazil XI (4-3-3): Alisson; Fagner, Thiago Silva, Miranda, Marcelo; Paulinho, Fernandinho, Coutinho; Willian, Gabriel Jesus, Neymar.
Kaydka: Geromel, Filipe Luis, Douglas Costa, Renato Augusto, Marquinhos, Cassio, Fred, Roberto Firmino, Taison, Ederson.
Belgium XI (3-4-2-1): Thibaut Courtois; Jan Vertonghen, Vincent Kompany, Toby Alderweireld; Nacer Chadli, Marouane Fellaini, Axel Witsel, Thomas Meunier; Eden Hazard, Kevin De Bruyne; Romelu Lukaku.
Kaydka: Dedryck Boyata, Dries Mertens, Michy Batshuayi, Simon Mignolet, Koen Casteels, Leander Dendoncker, Thorgan Hazard, Youri Tielemans, Adnan Januzaj, Yannick Carrasco, Mousa Dembele, Thomas Vermaelen.
DAQIIQADII 13 AAD Xulka qaranka Belgium ayaa helay goolka furitaanka ee dhibaatada wayn ku noqday Brazil kadib markii uu Vincent Kompany isku dayay in uu goolkan ku dhaliyo kubbad koorne laga soo tuuray laakiin saaxiibkiisa Man City ee Fernandinho ayay kubbadu ku sii dhacday taas oo keentay in ay si toos ah shabaqa u gashay.
Kubbada Fernandinho ku sii dhacday ayaa sabab u noqotay in goolhaye Alisson aanu wax badbaadin ah samaynkarin waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Belgium hogaanka kula wareegeen isla markaana ay cadaadis ku saareen Brazil.
DAQIIQADII 31 AAD Xulka qaranka Belgium ayaa ka yaabsaday Brazil kadib markii uu Kevin De Bruyne gool qurux badan uu wanha ku jarahay malaayiinta Brazil ee rajada ka qabtay in xulkoodu keensato goolka barbaraha wuxuuna De Bruyne si cajiib ah u dhamaystiray kubbad caawin fiican oo uu ka helay Lukaku waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Belgium si layaableh hogaanka ugu dheeraysteen.
Xulka qaranka Brazil ayaan u yaraysan in ay iska soo celiyaan goolashan laakiin Gabriel Jesus oo markale fashil ku dhex jiray si la mid ah Neymar Jr oo aan saamayntii laga filayay samayn waxay Belgium qaybtii hore awoodeen in aan wax goolal ah laga dhalin.
Inkasta oo Brazil ay fursado fiican abuurtay gaar ahaan bilawgii ciyaarta oo uu Thiago Silva fursad cajiib ah lumiyay haddana waxay si buuxda ugu fashilmeen in ay qaybtii hore iska soo celiyaan labada gool ee Belgium ku hor maray waxaana lagu kala nastay 2-0 ay Red Devils guul ugu taagnaayeen.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Brazil ayaa soo laabtay iyaga oo doonayay in ay boodhka iska tumaan oo ay ciyaarta si xoogan ugu soo laabtaan waxayna markiiba cadaadis ku abuureen difaaca Belgium laakiin Red Devils ayaa si xoogan natiijada u ilaashanaysay.
Laakiin tababaraha Brazil ee Tite ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Roberto Firmino si uu xulkiisa xaalada xun ee ay ku jireen uga saaro waxaana la badalay Willian oo aan saamayntii laga filayay yeelan.
DAQIIQADII 58 AAD Tababare Tite ayaa xaalada xulkiisa u adkaysan waayay wuxuuna kaydka uga yeedhay Douglas Costa si weerarkiisa isbadal uga sameeyo wuxuuna saaray xidiga uu sida waalida ah u aaminsan yahay balse fashilka wayn la kulmay ee Gabriel Jesus.
DAQIIQADII 62 aad Belgium ayaa weerar cajiib ah oo rogaal celis ah ku qaaday goolka Brazil iyada oo De Bruyne uu kubbad dilaa ah u bixiyay Eden Hazard laakiin xidiga Chelsea ayaa iska lumiyay fursad cajiib ah oo uu goolka saddexaad ugu dhali karayay xulkiisa Belgium.
DAQIIQADII 73 aad Tite ayaa badalkiisa saddexaad ka dhigtay Renato Augusto wuxuuna saaray Paulinho iyada oo markan Brazil bilawday in ay xaalad adag ku abuurto Belgium si ay goolasha lagu lahaa iskaga soo celiyaan.
DAQIIQADII 76 aad Renato Augusto ayaa isla markiiba saamayn toos ah ciyaarta ku yeeshay wuxuuna xulkiisa Brazil u dhaliyay goolka rajadooda waqti xaasaasi ah soo celiyay kadib markii uu caawin ka helay Philippe Coutinho waxayna ciyaartu noqotay 2-1 uu wali Belgium hogaanka ciyaarta ku hayo.
Brazil ayaa intaas kadib wax walba u hurtay sidii ay goolka labaad u keensan lahayd ee ay ciyaarta si buuxda ugu soo laaban lahayd balse Roberto Martinez ayaa daqiiqadii 83 aad difaaciisa ku soo xoojiyay Thomas Vermaelen isaga oo saaray N. Chadli.
Markale daqiiqadii 87 aad Martinez ayaa ciyaarta ka saaray Lukaku wuxuuna keenay Youri Tielemans inkasta oo go’aankan loo arki karayay mid qalad ah maadaama oo ay Brazil raadinaysay goolka labaad ee ay ku doonaysay in ciyaarta waqti dheeri ah loogu daro.
DAQIIQADII 90+4 Goolhaye COURTOIS ayaa sameeyay gool badbaadin cajiib ah si uu Nemar Jr uga beeniyo fursad uu xulkiisa guuldarada ka joojin lahaa wuxuuna Courtois sameeyay badbaadin xulkiisa ka caawisay in ay gool cadaan ah ka badbaadaan.
Brazil ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay ku keensan lahayd goolka labaad ee barbaraha laakiin xulka Belgium ayaa muujiyay adkaysi waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Belgium tartaka koobka ugaga cidhibtireen xulkii sida wayn loogu saadaalinayay ku guulaysiga koobka aduunka ee Brazil.
Guusha uu jiilka dahabiga ah ee xulka qaranka Belgium ka gaadhay Brazil waxay fariin cad u tahay xul kasta oo rajo ka qaba in ay koobka aduunka ku guulaysan karaan waxayna hadda Belgium si buuxda uga mid noqdeen xulalka sida wayn loogu saadaalin karo in ay koobkan ku guulaysan karaan
Dhinaca kale Xulka dalka Faransiiska ayaa u gudbay wareega afar dhamaadka ee koobka aduunka ka dib markii ay guul ka gaadheen ciyaar ay la yeesheen xulka dalka Uruguay
Xulka faransiiska ayaa laba gool iyo waxba kaga talaabsaday dhigooda Uruguay, iyada oo difaacyahanka Rafael Varane ayaa daqiiqadii 41aad goolka koowaad u dhaliyey xulka dalka faransiiska halka weeraryahanka Antoine Griezmann goolka labaad daqiiqadii 61aad ee ciyaarta.
Xulka faransiiska ayaa wareega afar dhamaadka koobka aduunka wajahi doono midkii soo baxa labada xul ee Brazil iyo Belgium oo goor dhaw wada yeelan doono kulan ka tirsan wareega 8aad dhamaadka
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland