Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Golaha Guurtida Somaliland ayay xiisadi ka dhex taagan tahay ka dib markii fadhigii shalay ee golaha guurtida oo lagu soo daray dood ah in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha guurtida.
Waxaa kale oo xaraarada golaha guurtida cirka kusii shareeray markii xildhibaano ka tirsan golaha guurtidu ay soo jeediyeen in xilka guddoomiyaha guurtida la bedelo.
Xildhhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa dood ay ka yeesheen ajandaha kal fadhiga 66aad ku soo jeediyey la furo xeer hoosaadka golaha guurtida kaas oo awoodo badan siinaya gudoomiye Saleebaan.
Buuq badan oo ka dhashay fadhigii shalay ee golaha guurtida ka dib waxa laysla gartay in cod loo qaado in ajandaha kal fadhiga 66aad lagu soo daro wax ka badalka xeer hoosaadka golaha .
Waxaa kale oo jira Mooshin ka dhan ah guddoomiye Saleebaan oo ay wadaan xildhibaano ay ka mid yihiin.
Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxaan
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg”
Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed
Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan
Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde
Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir
Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo
Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle
Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac
Xildhibaan Jirde
Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaanka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii golahu u coddeeyo in Cod la galiyo furitaanka Xeerkani.
Xeer-hoosaadkan ayaa haddii la furro oo golahu ogolaado waxaa dhici karta in ay xilka ku waayaan shir-guddoonka golaha guurtida Somaliland
Wali wax xal ah lagama gaadhin muranka ka dhex aloosan golaha guurtidaSomaliland
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland