Laascaanood (Xogsoor Media.Net):– Taliyihii qaybta booliska gobolka Sool Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Maxamed Faarax,ayaa si rasmi ah maanta xilkii taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool ugu wareejiyay ku-xigeenkiisii Gaashaanle Maxamed Cali Ciise ka dib markii xilkaa laga qaaday isla markaana aanu waliLaascaanod gaadhin taliyaha loo magacaaay.
Xafladda xil-wareejinta taliyaha oo lagu qabtay xarunta qaybta booliska Sool ee magaalada Laascaanood oo uu ka qayb galay isla markaana xilka u kalawareejiyay taliyaha iyoku simaha taliya Gudoomiyaha Gobolka Cabdi Khayre Dirir.ayaa si weyn loogu ammaanay shaqadii uu qaybta booliska gobolka Sool ka soo qabtay taliyaha xilka wareejiyay oo ku soo beegmay xilli ay ka jirtay gobolka xaalado colaadeed.
Bulshada gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood,ayaa taliyaha la bdelay ku sagootiyay shahaado sharaf ay ku maamuuseen,waxaanay sheegeen in uu ammaanka magaalada iyo ka gobolkaba wax badan ka qabtay.
“Waxaanu markhaati ka nahay in maanta xilkii taliyaha qaybta Booliska uu la wareegey taliye Xigeenka oo ah kusimaha taliyaha qaybta oo imandoona’waxaanan ” sidaa waxaa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool
Taliyaha xilka wareejiyey oo sida ay dadka intooda badan qirayaan inuu ahaa sarkaalkii ugu miisaanka cuslaa, isla markaan ku soo beegmay xili xiisad colaadeed Gobolka ka taagnaa taas oo mudadii uu joogey si macquuliyad ah u maarayn jirey.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland