Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda Hay’adda Laanqayrta Cas,ayaa ka wada hadlay xaaladda maxaabiista dagaalkii Tukaraq ee ciidanka qaranka Somaliland ay ku soo qabteen.
Madaxweynaha Somaliland,ayaa weftiga madaxa Hay’adda Bisha cas ee caalamiga ah uu ku qaabilay waxaa uu uga warramay xaaladda Somaliland ay ku sugan tahay iyo marxaladiii ay ka soo gudubtay,waxaa kale oo uu u soo jeediyay in ay Somaliland xafiis ka furtaan.
Kulanka labada dhinac ku dhex maray qasriga Madaxtooyada oo aanay warbaahintu ka qayb gelin,ayaa waxaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.