Gabilay(Xogsoor Media.Net):- Bulshada gobolkaGabilay ku dhaqan ayaa taageero iyo kalsooni buuxda isla garab taagay musharax Garyaqaan Nafisa Maxamuud Shirwac oo u tartamaysa xildhibaannimada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex.
munaasibadda lagu taageerayay isla markaana bulshada gobolka Gabilay ay isku garab taageen musharaxnimada Xildhibaannimada Garyaqaan Nafisa Maxamuud Shirwac oo lagu qabtay xarunta gobolka Gabilay ee Gabilay oo ay ka soo qayb galeen.
Madaxdhaqameed,siyaasiyiin waxgarad rag iyo haweenba isugu jira dhallinyaro iyo qaybaha laka duwan ee magaalada Gabilay,ayay dhammaan dadkii halkaa ka hadlay ay isku raaceen in ay garab taagan yihiin xildhibaan Nafisa Maxamuud Shirwac in ay u tartanto golaha wakiilada ee gobolkaMaroodijeex isla markaana ay kalsooni buuxda ku qabaan in ay wax badan ka qaban karto arrimaha loo doorto xildhibaanada waxaanay u ballan qaadeen in ay dooranayaan oo ay codkooda siin doonaan.
Intaa ka din waxaa halkaa ka hadashay Xildhibaan Nafisa oo uga mahad celisay taageerayaasha kalsoonida siiyay una ballan qaaday in ay dooranayaan.
Haddaba halkan hoose ka daawo