Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyo wefti uu hoggaamiyay oo muddo dalka dibediisa ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyay.
Guddoomiye Dr Cabdiraxmaan Cirro,ayaa markii uu dalka ku soo noqday waxaa uu ka hadlay socdaal ay ku tageen dalal dhawr ah oo ay ku soo mareen waddamo ka mid ah qaarada Yurub.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida xisbiga WADDANI u bar bar taagan yahay ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland.
waxaa kale oo uu ka hadlay gudiga doorashooyinka oo uu markale ku celiyay in aanu doorasho dambe dalka ka qaban karin maadaama kalsoonidii ay kala noqdeen.