Senegal Oo Guushii Ugu Horreysay Koobka Adduunka uga soo Hoysay Qaaradda Afrika

0
517

Xulka qaranka Senegal ayaa halis xili danbe ay Poland la soo baxday iska badbaadiyay si ay saddexda dhibcood ee Groupkooda ay u helaan waxayna tani la micno tahay in Senegal ay haysato fursad fiican oo ay wareega 16ka kooxood ee koobka aduunka ugu soo bixi karaan.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

POLAND (4-5-1): Wojciech Szczesny; Lukasz Piszczek, Maciej Rybus, Thiago Cionek, Michal Pazdan; Jakub Blaszczykowski, Grzegorz Krychowiak, Arkadiusz Milik, Kamil Grosicki, Piotr Zielinski; Robert Lewandowski

SENEGAL (4-4-2): Khadim N’Diaye; Kalidou Koulibaly, Salif Sane, Youssouf Sabaly, Moussa Wague; Alfred N’Diaye, M’Baye Niang, Ismaila Sarr, Idrissa Gueye; Mame Biram Diouf, Sadio Mane

KAYDKA: Cheikh N’Doye, Moussa Sow, Alfred Gomis, Adama Mbengue, Abdoulaye Diallo, Diafra Sakho, Keita, Lamine Gassama, Cheikhou Kouyate, Badou Ndiaye, Kara, Moussa Konate

Xulka qaranka Senegal ayaa ahaa rajadii qaarada Afrika maadaama oo ay soo wada guuldaraysteen dhamaan afartii xul qaran ee kale ee Afrika ka soo galay koobka aduunku, waxaana la sugayay haddii Senegal ay la tacaali karaan xaalada xulka qaranka Poland ee uu Roberto Lewandowski hogaaminayay.

Laakiin si ka duwan qaabkii qaramada kale ee Afrika waxay Senegal muujisay awood ciyaareed iyo waliba karti dheeraad ah si ay xaalad xun ugu abuuraan xulka qaranka Poland oo ka mid ahaa xulalkii koobka aduunka sida quruxda badan ugu soo baxay.

Inta badan qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada xul dadaal badan samaynayeen laakiin kooxda uu Sadio Mane hogaaminayay ayaa waxa ugu fiicn heshay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo kooxda uu Robert Lewandowski hogaaminayay ayna helin qaab ciyaareedkii looga bartay.

DAQIIQADII 37 AAD Xulka qaranka Senegal ayaa helay goolka muhiimada wayn u lahaa kadib markii uu  Idrissa Guye uu darbo ku tuuray goolka Poland laakiin kubbada ayaa ku sii dhacday xidiga ree Poland ee Thiago Cionek taas oo keentay in gool iska dhalis ah lagu qoray, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Senegal hogaanka ku qabtay.

Xulka qaranka Senegal ayaa awooday in ay qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka ilaashadaan iyada oo Poland ayna qaybtii hore awoodin in ay soo laabto waxaana lagu kala nastay 1-0 ay Senegal guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad waxaa la filayay in Poland ay soo laaban doonaan iyaga oo dardar wayn ku socda halka Senegal la filayay in ay difaacasho galayaan laakiin Senegal ayaa wali sii waday in ay raadiso goolka laabaad.

DAQIIQADII 60 aad Xulka qaranka Poland ayaa musiiibo wayn isku abuuray waxayna hadiyad wayn u qadimeen Senegal si ay u hesho goolka labaad iyada oo Krychowiak uu kubbad dib ugu furay  Bednarek kaas oo aan diyaar ahayn laakiin Niang oo garabka midig joogay oo ayna cidi ku xidhnayn ayaa la tartamay wuxuuna garaacay goolhaye Szczesny iyo Bednarek si uu si sahlan ugu dhaliyo goolka labaad xulkiisa Senegal.

Xulka qaranka Senegal ayaa qaladaadka ciyaartoyda Poland ka helay fursadii ugu waynayd ee ay doonayeen si ay natiijada ciyaarta u ilaashadaan waxayna ciyaartu noqotay 2-0 uu xulka qaranka Senegal hogaanka ciyaarta ugu dheeraysatay.

DAQIIQADII 86 AAD Xulka qaranka Poland ayaa rajadiisa oo sii dhimanaysa soo nooleeyay kadib markii uu Grzegorz Krychowiak dhaliyay goolka Senegal ka soo yareeyay raaxadii ciyaarta waxaana caawinta goolkan sameeyay Kamil Grosicki iyada oo ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Senegal hogaanka ciyaarta ku hayso.

Afartii daqiiqo ee ciyaarta ka hadhsaa ayaa soo dhamaaday laakiin Poland ayaa la sii yay afar daqiiqo oo dheeraad ah si ay wali u sii raadin karaan goolka barbaraha laakiin xulka qaranka Senegal ayaa awooday in ay hogaanka iyo guusha kulankan ilaashadaan.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Senegal ku khaarajisay Poland waxayna sare u soo qaadeen sharaftii qaarada Afrika kadib markii ay dhamaan qaramadii hore ee ciyaaray wada guuldaraysteen

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here