Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay in Somaliland aanay waxba dilin ee ay wax dawayso isla markaana baaq u diray bulshada reer Puntland oo uu kula taliyay in ay iska qabtaan sida uu sheegay Madaxda Puntland oo dagaal iyo colaad hurinaysa.
Waxaanu sidaa ka sheegay mar uu maanta cisbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday mid ka mid ah laba haween ah oo u dhashay Somaliland oo dhaawacyo loogu geystay gudaha magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland oo Hargeysa loosoo qaaday laguna dawaynayo cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Hargeisa Somalilan