Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Waxay dadweynaha caasimadda Hargeysa muddo ka war sugayeen in ay xubnaha golaha deegaanka ee caaaismadda Hargeysa ay tallaabo ka qaadaan Maayer ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamuud Xaaji(Cabdicasiis Cagaweyne) ka dib markii muuqaal warbaatnta la iska arko ee TV-yada ah laga daawaday Maayer ku-xigeenka caasimadda Hargeysa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddi iskaashatada iskarogooyinka ah uu muuqaalkaa ka soo baxay calanka dalka Itoobiya oo badhtanka u saaran miiska hore ee xafiiskiisa isla markaana ay dhinacyada ka xigaan calanka Somaliland oo ah calankii qaranka dalka uu caasimaddiisa ku xigeenka ka yahay oo waliba calanka Itoobiya uu ka sarreeyo calanka dalka.
Waxaanay bulshada caasimaddu filaysay in golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa in ay tallaabo ka qaadi doonaan ficilkaa qaranka dhabar jabka ku ah ee uu Maayer ku-xigeenku ku kacay.
Waxaa kale oo aad la isu waydiiyanayay maalmihii u dambeeyay sababta maayer xigeenka caasimadda qaranka ku kaliftay in uu xafiiskiisa ku sharraxo isla markaana is hor dhigo calan dal kale,iyadoo aanay jirin wefti dalka calankiisa uu is hor dhigay ah oo uu qaabilayay ama xafiiskiisa uu kula kulmayay marka muuqaalka warbaatinta laga arkay laga duubay cidda uu la kulmayna ay ahayd shirkad gaadiid muwaadiniin reer Somaliland waliba reer Hargeysa ahi ay leeyihiin.
Waxaa la filayay in ay anshax marin doonaan xubnaha golaha deegaanku laakiin wax tallaabo ah oo laga qaaday ma jirto masuulkaa xafiiska qaranka ee uu fadhiyo miiskiisa hore ku sharraxay calan dal kale,haddaba waxay is waedintu tahay maxay uga aamuseen golaha deegaanka eecaasimaddu,haddii ay ka aamuseense maxay hay’addaha kale ee u xil-saaran illaalinta sharafta iyo karaamada qaranku tallaabo uga qaadi waayeen,iyadoo qof aan xil hayn oo farriin aan micno badan lahayn face book-ga ku qoray deg deg loosoo xidho.
Mise xafiisyada qaranka calan dal kale in la sudho ayaa Fasax madaxdu u haysataa.