Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo Bulshada Balligubadle Kala Qayb Galay Oogidda Salaadda Ciidal-fidriga Kuna Guubaabiyay Joogtaynta Cibaadada

0
488

Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo Bulshada Balligubadle  Kala Qayb Galay Oogidda Salaadda Ciidal-fidriga Kuna Guubaabiyay Joogtaynta Cibaadada

Balligubadle(Xogsoor Media.Net):- guud ahaan gobolka hawd degmooyinkiisa kala duwan ayaa si wayn looga oogay tukashada Sallaadda Ciidal-fidriga oo guud ahaan caalamka islaamka saaka laga tukaday.

Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiim Maxamed Shide, Maayerka degmada Balligubadle Cabdi Iimaan Jaamac,Maayerka degmada Gumburaha Banka,Cabdi Haybe Cilmi Culimo awdiin,madaxdhaqameed aqoonyahan,ayaa kalaqayb galay guud  ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Balligubadle xarunta ee xarunta gobolkaHawd kala qayb galay Oogista salaadda Ciidal-fidriga.

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide oo  bulshada gobolka Hawd munaasibadda ciidal-fidriga u jeediyay qudbad,ayaa ku dardaaray bulshada gobolka in ay sidii ay Ramadaanta u soo cibaadaysteen ay u sii wadaan una joogteeyaan acmaasha wanaagsan  iyo xuska ALLE.

Waxaa kale oo uu intaaku daray in cadaw bishii Ramadaan umadda Islaamka ah  laga xidhay in la soo fasaxay isla markaana uu u baahan yahay cadawgaasi in laga gaashaanto oo aanu cidka qofka ka helin xaqana aanu ka weecin.

Waxaanu Bulshada gobolka  Hawd Guddoomiyuhu gaadhsiiyay salaam iyo hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku hambalyeeyay bulshada gobolka Hawd munaasibadda weyn ee Ciidal-fidriga.

“Waxaynu soo dhammaysanay oo aynu soo gudanay waajibaad iyo tiir ka mid ah tiirarka Diinteenna suubban ALLE ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu soo qabanay,waxaana la iinooga baahan yahay in aynu  cibaadada ALLE halkaa ka sii wadno oo aynu joogtayno,sababtoo ah waxaa la soo daayay cadawga ugu weyn ee aynu eenahay oo bishii Ramadaan innaga xidhnaa oo ah Shaydaan,waxaana lagaga badbaadi karaa oo keliya in xaqa lagu taagnaado oo aan cibaadada Ramadaanka dib aynaan ka hadhin ama aynaan dhayalsan.”ayuu ydhi Guddoomiyaha gobolka Hawd.

Guddoomiyaha gobolka Haw doo hadalkiisa sii wata,ayaa intaaku daray. “guud ahaan bulshada gobolka Hawd waxaan hambalyo salaam iyo duco idiinka sidaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo farxadda ciidal-fidriga halbalyo iyo salaam idiin soo diray,waxaanan ALLE innooga baryayaa in Sanadka Sannadkiisa,barwaaqo horumar nabad qab cimri dherer iyo Somaliland oo la aqoonsaday in uu caafimaad innagu gaadhsiiyo ballanteenuna waa nabad gelyada oon kawada shaqayno cibaadada ALLE oon ku dedaalno iyo tacab.”

Xogsoor Media.Net

 

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here