Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Xukuumada Somaliland,ayaa rejo wayn ka muujisay in aanu is-taagi doonin dhoofka Xoolaha Somaliland ee dalkaSucuudiga loo iib geeyo oo muddo laba sano ka dib ah hadda din u bilaabmay.
Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga marwo Yurub Abiib Cabdi ayaa sheegtay in si rasmi ah loo furay dhoofkii xoolaha Somaliland isla markaana ay xukuumadu rejaynayso inaanay istaagin.
Marwo Yurub Abiib Cabdi wasiir ku xigaanka xanaanada xoolaha oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa, tidhi “Dhoofkii xooluhuna way bilaabmeen oo shalay ayey laba markab baxeen, waxaanan filaynaa in muddo dhaw oo ciida Carafo ku beegan ay xooluhu toos u dhoofi doonaan iyada oo rejadeedii iyo natiijadeediibana waa la hayaa.”
Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasr raacisay “Waxaanu ku rajo weynahay in xidhiidhada, wada hadalka socda iyo heshiisyada la galay inaanay noqon wax joogsada balse ay noqdaan in xoolaheeni ay sidii hore ee caadiga ahaa ay u dhoofaan oo aanay sida ay hada u bilaabmeen aanay u joogsan doonin.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland