Baanka Dhexe ee Somaliland oo Bilaabay Diiwaan Gelinta Sariflayaasha, Soona Bandhigay Faa,iidada Ku Jirta iyo Ciqaabta Liisan La’aanta Sarrifka Lagaga Shaqaysto

0
511

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Baanka dhexe ee Somaliland  ayaa shaaciyey inuu bilaabay diiwaan gelin uu ku samaynayo sariflayaasha ka hawl gala dalka.

Diiwaan gelinta sariflayaasha oo lagu bilaabay kuwa ka ganacsada magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale la siinayaa liisan cusub oo u ogolaanaya inay sarifaan lacagaha kala duwan.

Diiwaan  gelinta sarrifleyaasha ee uu Baanka dhexe ee Somaliland bilaabay ayaa fursad u siinaysa ganacsatada ka shaqaysta sarrifka ama isku bedelka lacagaha in ay sifo  sharci ah ku shaqaystaan oo ay noqdaan ganacsadeyaal haysta ruqsad ay  ku shaqaystaan.

Tallaabadan ayaa waxaa kale oo ay wax badan ka taraysaa in sarrifleyaasha maanta ka shaqeeya  qaar  badan oo ka mid ahi in ay lacagta ay suuqa ku haystaan in ay u bedelaan noocyo kale oo ganacsi isla markaana shaqo abuur kale ay la yimaadaan iyo in sarrifleyaashu ay noqdaan kuwo diiwaan gashan oo la ogyahay isla markaana u hoggaansami kara  awaamiirta ka soo baxda baanka dhexe ee Somaliland oo masuul ka ah jaangoynta  qiimaha isku bedelka lacagta Somaliland  iyo lacagaha qalaad.

Waxaa kale oo ay xal u noqon kartaa ka hor tagga sicir bararka iyo qiime dhaca shillinka  Somaliland,diiwaan gelinta sarrifleyaasha iyo xaqiijinta cidda sarrifka lacagaha ka shaqaynaysa oo la ogaado ayaa ah tallaabo mudan oo uu qaaday Baanka dhexe ee Somaliland una baahan in lagu garab istaago si qiime loogu yeelolacagta shillinka Somaliland  oo ay u noqoto lacag muwaadinku ku kalsoonaado isla markaana sida sharcigu yahay ay noqoto lacagta koobaad ee wax lagu kala iibsado.

Haddaba Agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland  Axmed Xasan Carwo  oo faah faahin ka bixiyay diiwaan gelinta sarrifleyaasha iyo qorsheyaasha uu Baanka dhexe ee Somaliland qaaday iyo sida ay u wada shaqaynayaan ganacsatada ka shaqeeya isku bedelka lacagaha iyo  baanka dhexe oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi.

“Nidaam wanaagsan ayaanu bilawnay kaas oo ah liisankii oo aanu siinayno sariflayaasha oo aanu dib u eegis ku samaynay, liisan rasmi ah oo aan cidina foojari garayn

Karin, oo aanu doonayno in nin kasta oo sarifleh ah uu hortiisa ku dhajisnaado kaas oo sawirkiisa leh, intii imika liisanka  cusboonaysiisatay ee kharashkii bixisay aanu dhamaantood u diyaarinay kuwii kale ee wax lagu leeyahayna aanu daba gal ku samaynayno annaga(baanka dhexe) oo nin walba u tegi doona oo marka uu kharashka cusboonaysiinta iska bixiyo aanu siin doono kan cusub.”

Agaasimaha baanka dhexe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Marka aanu doonayno inay dadku kala noqdaan kuwo sharciyo kala leh oo ninkii sariflaha ahaa ee aanu liisanka siinay iyo ninka kale la kala ogaado,si dadka suuqa ka shaqaysanayaa inay risiqooda iyo macaashkooda ku helaan si xalaal ah, si lacagta faraha badan ee sariflayaasha ah ee dad aan jirin wareejinayaanna ay meesha uga baxdo oo qaladaad badan oo sixir bararka iyo waxyaabo badan keenaya, waxaanan ogaanay inay jiraan dad ciidaas ka badan oo aan ruqsad naga haysan kuwaas ayaanan u digaynaa.”

Sidoo kale agaasimaha baanka dhexe waxa uu ka hadlay faa,iidada ku jirta in la diiwaan geliyo sariflayaasha waxaanu yidhi “Marka ay dadku noqdaan qaar shuruucda ilaaliya oo ay arkaan in sharcigu shaqaynayo, amarada dambe iyo shuruucda dambe ee naga soo baxa  in fulin karta ayaa noqon doonta sariflayaasha nala shaqayn doonta halka imika ay tahay in dad aanaan garanayn ay sarifayaan suuqa kuwaas oo ka baxsan awooda aanu ku maamuli karno.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay ciqaabta uu mudan doono sariflaha aan samayn liisanka uu lacagta ku sarifayo waxaanu yidhi “Marka hore nin aan liisan haysan inuu ganacsado waa xadhig meeshana waa laga xidhayaa, xadhig ayaanu mutaysanayaa waxaana jira hab inoo yaalla, nin aan cidi liisan siin oo ku shaqaysanaya meel liisan looga baahan yahay sharciga ayuu jabiyey oo waa la yaqaanaa maxkamadaynta, xadhiga iyo waxa u yaalla waana la marinayaa.”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmailc.om

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here