Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Gaba Gabeeyey Tartanka Quraanka Iyo Axaadiista Ee Bisha Ramadaan+Sawiro

0
975
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa soo gunaaday tartankii quraanka iyo xaadiista nabiga ee waxyayn kaas oo ay tan iyo 2013-kii ay qabto haayada Al-Hayat Foundation.Tartankan oo haayada Al-Hayat Foundation ay qabatay markii lixaad waxa ka qaybgalay madarisado aad u tiro badan  oo ka kala socday gobalada dalka, waxaana lagu tartamay sodanka jis ee quraanka, shan iyo tobanka jis iyo xaadiista rasuulka ee kutubta Buluuqul Maraam iyo Lulu Wal Marjaan.

in ka badan 15 arday oo ku kala guulaystay kaalamaha koowaad ilaa sadexaad ayaa abaal marin u helay

Lacag doolar ah oo sideed boqol gaadhay,Xaj, Dahab iyo lacag ay habluu heleen iyo macalimiintii ardaydan soo saartay oo qaarkood ay nasiib u yeesheen inay helaan xaj lacag la’aan ah sanadkan.Dhawr xaj oo macalimiintu ku guulaysteen ayaa loo tuuray nasiib kaas oo qaar kood ay ku guulaysteen inaya sanadkan soo xajaan, waxaana kulankan oo dad aad u balaadhan ay ka soo qabgaleen ka mid ahaa waalidiin,ardaydii tartamay, madaxweyne ku xigeenka Somaliland,wasiirada waxbarashada iyo tiinta iyo awqaafta, madaxdhaqameed, culimo iyo ganacsato.

Guddoomiyaha Al-Hayat Foundation Cabdixakiin Siciid ayaa  ugu horayntii si mug leh faah faahin uga bixiyay haayada iyo tartanka lixda sanadood ay soo qabanayeen iyo waxyaabaha tirada badan ee u hirgalay inay dalka ka qabtaan intii ay jireen “Haayada Al-Hayat Foundation markii la sameeyay tartanku waxa uu ahaa mashaariicdii ugu horeeyay ama hawlii ugu horeeyay ee ay ka qabto jSL, qaabka ay u qabsoomaysaa waxaad u jeedaan inay mar walba kor u sii socoto tiro aad u badan oo madarisado ah ayaa ka qaybgasha iyo arday aad u badan, farxad ayayna noo tahay ka maamulka Al-Hayat ahaan.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”maanta haayadu way ka balaadhatay sidii hore boqolaal masaajid ah ayay dalkeeda ka dhistay, boqolaal ceelal ah oo 700 kor u dhaafaya oo isugu jira ceelasha 60-Mt iyo 40-mt iyo kuwa dhaadheer, dugsiyo, inay beeralayda kabto, iyada oo maanta afar sanadood ka hor xaalkii ay ahayd iyo ka maanta uu aad u kala duwan yahay, 4000 oo agoon ah in ka badna inay haayadu maanta hayso,inkabadan 300 oo ardaydeena dhigta dugsiyada hoose dhexe ee Somaliland inay ka bixiso dugsiyada, inay hayso oo ay taageerto macalimiin ka badan 110 macalin oo jooga 110 tuulo, waa alle mahadii shaqo si fudud ku bilaabmatay maantana aynu arkayno halka ay marayso,dhamaan madarisadaha ka qaybgalay tartanka ayaan u mahadnaqayaa, ardayda soo baxday iyo kuwa aan soo bixinba waxan leeyahay waad guulasateen oo quraankii alle iyo axaadiistii rasuulka SCW ayaad qaybteen, hadii cidi tartantana cid uunbaa soo baxda, waxaanan idiin rajaynayaa sanadkan kiisa kuwiina aan soo bixina inaad guulaysataan, waxaan ku dhiirigalinaynaa gobalada Somaliland inay si mug leh ay uga qaybgalaan tartanka.”

Gobalka Togdheer ayaa ku guulaystay sanadkan kaalinta koowaad sodanka jis ee quraanka kariimka ah, gobalka Maroodi-jeex Hargeysa ayaa isaguna ku guulaystay xadiista rasiilka SCW  kaalinta koowaad .

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa isaguna dhankiisa waxa uu soo dhaweeyay tartankan quraanka iyo xadiista rasuulka CSW lagu tartamay, waxaanu shaqadan ku hanbalyeeyay Al-Hayat Foundation oo iyadu dalka ka bilowday tartanka noocan ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Somalilan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo isagu soo xidhay tartanan ayaa u mahad naaqay haayada iyo qabashadeeda hawlaha khayariga iyo tartankan oo noociisa Al-hayat ay dalka ka bilowday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa”Farxad weyn ayay noo tahay inaan idin kala soo qaybgalno tartanka lagu tartamaayo quraanka kariimka ah iyo sunada rasuulka CSW, oo runtii wax aad iyo aad u qiimo badan ah, wax lagu faano ah, wax lagu tartamo shayga ugu qiimaha badan ah, waxanu waktigayaga u soo siinaa qiimaha uu nagu leeyahay quraanku maadaama oo aan nahay dad muslim ah, waxaanan u mahad naqayaa haayada Al-Hayat Foundation, oo iyadu bilowday tartankan labada nooc ah, hanbalyo ayaanu leenahay, alle ajar haydinka siiyo.”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here