Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Ciro ayaa mar kale ku celiyay in aanay kalsooni ku qabin komishanka doorashooyinka qaranka,isla markaana aaanay ka qayb gali doonin doorasho ay qabtaan
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdraxmaan Ciro oo socdaal dibada ugu maqan ayaa dalka SWEDEN ugu waramay Saab Tv. waxa uu sheegay in ay qabsoomi karaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka haddii laga heshiiyo waxaana uu hoosta ka xariiqay in aanay ku qanacsanan in koomishanka doorashooyinka qabtaan doorashooyinka golaha wakilada iyo golaha deegaanka.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi“Xisbigu waxa uu diyaar u yahay in uu ka qaybgalo doorashada doorashada golaha wakiilada laakiin go,aanka xisbigu gaadhay waxa weeye in aanaan ka qayb galin doorasho uu qabto koomishanka doorashooyinka madaxweynahana waanu u gudbinay sababta aanaan ugu qanacnan koomishanka doorashooyinka sidii ay qabteen doorashadii madaxtooyadda waa la ogaa oo buugaag ayaa la helay oo waraaqihii lagu codaynayay suuqa ayaa laga helay iyo wax yaabo kale oo faro badan ayaa ka dhacay doorashadii madaxtooyadda,waana qabsoomi karaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo golaha deegaanka hadii laga heshiiyo,”.
Cabdiraxmaan Ciro waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in mucaarad iyo dawladba laga wada shaqeeyo siyaasada arimaha ee Somaliland.waxaana uu yidhi“Siyaasada arimaha dibada dawlada ookaliya laguma halayn karo waxaana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo hadii tahay axsaabta qaranka iyo hadii tahay qurbojooga reer Somaliland,waana arin wayn in aanu ka qayb galno shirar lagu qabtay Yurub dawladihii aanu la kulanayna waxa aanu ka la hadalnay roobabkii duufaanada watay ee dalka ka ay iyo nabadgalyada waxaana aanu soo qabanay shaqo muhiima oo dalka loo qabanayay,”.
Sidoo kale Guddoomiye Ciro waxa uu sheegay in xukuumadda madaxweyne Biixi kala shaqaynayaan sidii loo midayn lahaa dadka reer Somaliland ee kula qaybsamay doorshadii madaxtooyadda.
Haddaba muuqaalka warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland