Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,ayaa maanta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda ku wareejisay qabyo-qoraalka natiijadii Diiwaangelinta Shaqaalaha Dawladda
Hay’adda shaqaalaha dawladda JSL oo muddooyinkii u dambeeyey gacanta ku haysay kala shaandhaynta xogtii laga soo ururiyey guud ahaanba shaqaalaha dalka ayaa maanta kulan ballaadhan oo ay isugu yeedhay agaasimeyaasha guud iyo agaasime-waaxeedyada maamulka cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’addaha dawladda ku wareejisay wasaarad walba xogtii shaqaalaheeda laga soo darsay si ay mid waliba dib ugu hubiso ugana soo falceliso.
Kulankan oo ahaa mid si heer sarraysa loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay wasaarad walba iyo tirade looga soo diiwaangeliyey iyadoo bandhigga balaadhan-na loo ballamay marka maalmaha ciidka laga soo noqdo haddii ALLE Idmo
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Shara’arke Muxumed Geelle oo madasha ka hadlay ayaa xusay tacabkii mudada badan ay soo geliyeen in ay xogtan soo helaan isagoo xusay in ay maanta bilow tahay tayeyntooduna
Dhanka kale Guddoomiye Geelle ayaa madasha ka xusay in bandhigii ugu balaadhnaa ay qaban doonaan maalmaha ciidal- fidriga laga soo laabto hadii ALLE idmo.
Ugu dambayn guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in go’aamo iyo tababaro ka farcami doonnaan xogtan.
Geba-gabadii kulanka ayaa masuuliyiintii madasha ka soo qaybgelay bogaadiyeen hay’adda shaqaalaha dawladda iyaga oo xusay in ay kasoo falcelin doonnaan maalmaha so socda si xidhitaan rasmi ah loogu sameeyo.
Hawsha ay qabatay Hay’adda shaqaalaha Dawladdu ayaa noqonaya xogtii ugu weyndeyn ee laga helo shaqaalaha dawladda Somaliland oo si dhammaystiran looga soo diiwaan geliyay dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland