“qofkasta oo wareysi iga rabaa waxaa uu I xusuusinaayaa dhimashada waalidkay iyo ubadkayaga” Ibraahim Muuse
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Ibraahim Muuse Cabdi Waa Wiil lix toban jir ah oo wax ka barta deegaanka Gargaara oo ka tirsan degmada lugyaha ee gobolka Salal , masiibaddii ka dhacday Awdal ee duufaantii Sagar iyo roobabku dabaylaha watay waxa ay Daadadkii rogmanayey gurigoodii ugu soo galeen qoyskoodii oo ka kooban sideed qof, lix uu la dhashay iyo labadii waalid kulligoodna way qudh baxeen. Tobannaan kale ayaa tabaaladan dhaxlay.
Wiilka dhallinayarada ee Masiibadana haleeshay oo la hadlay Wariye Mukhtaar Mursal Xiin oo Ka tirsan Horn Cable Tv ayaa si qiiro leh ugu war bixiyey sida ay wax u dhaceen isaga oo xejin kari la’a ilmada indhihiisa soo dhaafaysa
“Aniga sideed qof ayaa iga geeriyooday lix aanu walaalo nahay hooyaday iyo aabahay anigu xaafadayada maan joogin oo dhan iskuulbaan ka dhiganayay markii subixii duufantii iyo wixii ay qaadeen ayaan is idhi soo eeg gurigiini meeshi oo biyo isu badeshay aniga iyo gabadh kale oo reer leh ayaa ka hadhay, qofkasta oo wareysi iga rabayna waxaa uu I xusuusinayay dhimashada wiilidkay iyo ubadkayaga”
Waxa waajib ah in noloshiisa qaranku dammaanad qaado oo la baal istaago Ibraahim Muuse Cabdi si uu dareemo inuu leeyahay dawladda iyo shacab garab taagan .
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland