Gudoomiye Cirro oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya Beesha Caalamkana Farriin Gurmad u Diray

0
469

BELGIUM(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan MaxamedCabdilaahi Crro iyo wefti uu hoggaaminayo oo  metelayay Somaliland isla markaana ka socday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa maanta ka qayb galay oo lagu casuumay shir caalami ah oo ka dhacay dalka BELGIUM.

Guddoomiye Cirro ayaa hadal  uu shirkaa ka jeediyay beesha caalamka ugu diray farriin ah in ay wax kala qabtaan Somaliland oo ay ka taakuleeyaan gurmaddeg deg ahna ay lasoo gaadhaan dadka ku tabaaloobay duufaanta ku dhufatay gobolada galbeed ee Somaliland.

waxaa kale oo uu Guddoomiye Cirro ka hadlay sida Somaliland ay uga shaqayso nabad gelyada geeska Afrika iyo xasiloonida ka jirta iyo xaqa ay u leedahay in la aqoonsado.

Shirkan oo lagaga hadlayay arrimaha nabad gelyada iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labada qaaradood ee Yurub iyo Afrika nabad gelyada ugana wada shaqayn lahaayeen ayuu guddoomiye Cirro ka jeediyay qudbad aad u dheer isla markaana kaga warramay Somaliland iyo halka ay marayso iyo waxyaabaha u qabsoomay intii ay la soo noqotay madaxbannaanideeda.

“Waxanu Maanta ka qeyb galney shir heer calaamiya oo ey soo qaban qaabisey dowladda Belgium gaar ahaan wasaradda Arimaha Dibadda shirkan ayaa waxa hogaaminayay madaxweynaha Ururka Midowga Africa H.E. Mousa Faki Mahamet iyo Raysal-wasaare ku xigeenka dowladda Ahna wasiirka Arrimaha dibedda dowladda Belgium H.E. Mr Didier Reynders waxa Isna ku wehelinayey oo Shirka la daadihinayay. Maamulaha xarunta European Union External action Service. H.E koen Vervaek.”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

 

Shirkan ayaa waxa lagaga hadlayay ARIMAHA AMNIGA. Sidii ey Isaga kaashan lahayeen Labadda qaradood ee Europe iyo Africa. Shirarka waxa lagu soo casumey madax badan oo kala timi waddana Europe iyo Africa.

 

Waxey u badnayeen diplomasiyiin ka Kala socda dowlaha Europe iyo Africa. Waxa Mudane GUDOMIYE Ciro ka mid ahaa Wefti lagu soo casumey iney kelmadooda ka yidhaahdaan madasha.Isagoo lagu amaaney doorka uu ka soo qaatey shaqadda u hayay Qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Dorashaddii ugu danbeysey u muujiyey biseyl siyasadeed iyo Waayo aragnimo diplomasiyadeed.

Qudbadda Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirkaka jeediyay ayuu kaga hadlay sadex qodob oo aad muhiim ugu ah Somaliland oo kala ahaa

  1. ARIMAHA dufaanka iyo sidii CAALAMKU ugu gurman lahaa dadka dhibaateysan ee reer Somaliland ee Wax ku yeelowbey Robaabka Dufanka watey ee ka da’ey gobolo ka midda somaliland.
  2. Waxu ka hadley ARIMAHA Qadiyadda ICTIRAAFKA iyo sidda shacabka Somaliland Wali caalamka uga sugayo iney ka jawabaan codsiga shacabka Somaliland ee ey 97% u codeeyeen.  Aftidii laga qaadey dadka reer somaliland una codeeyeen gooni isu tagaa jamhuuriyadda somaliland.
  3. Qodobka Saddexaad waxu Gudomiye Ciro Shirka ka sheegey iney Somaliland doorweyn ka qaadatey arrimaha nabad gelyada galyadda ee GEESKA Africa  Kana qadatey door mihiima oo CAALAMKU qirsan yahey  Sidaas daradeedna shacabka somaliland caalamka ka rabaan iney tix galiyaan kuna aqoonsadaan mustaqabalka dhow.

Haddaba halkan ka daawo warkaas oo dhammaystiran

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here