Hargaysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCUD Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xaalada Coladeed ee ka taagan deegaanka Ceel-Afwayn in ay qorshaynayaan in colaadda ka taagan deegaanka degmada Ceel-afweyn in ay galaan shaqsiyaad dalka Miinaas ku leh oo uu ka mid yahay isla markaana ay ku jiraan laba madaxweyne ku-xigeen oo hore.
Faysal Cali waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaaalada hargaysa ayaa sheegay in masuuliyiintii hore u galay xaalad ceel-Afwayn ay ku fashileen isla markaasina hadda aanay haboonayn in ay markale ku noqdaan.
“Arinta ceel-afwayn madaxwaynaha waanu kala hadalayn oo xalkeeda waxa galaya aniga,Xasan ciise,Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Cali khaliif galaydh,lakiin cidii hore ugu fashilantay gali mayso oo dibada ayaanu dhigaynaa,waxaanan halkan uga mahadnaqaynaa cidii tagtay
ee arinka nagu sintay,waxaanan soo jeedinayaa markasta in xabad la joojiyo oo nabad la qaato si goobta ay xasilooni uga dhalato.
Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata faysal cali waraabe.”waxaan halkan ka sheegayaa shantii nin ee dhintay fidmaduna ka dhacday waxaan leeyahay sooma noolaanayaane aynu u talino inta nool waa inuu caqligu shaqeeyaa,cida dambiga leh waa in bulshadda reer somaliland dambiga ku qadaa horena waa loo dayacay,madaxwaynaha waxaanu leenahay labadii qodob ee odayaashu kuula yimadeen ee aan anaguna goob jooga ka ahayn ee aad qaadatay waxaanu ku leenahay madaxwayne labadii fuli si ay u dhisanto kalsoonidii dawladnimadu.
Guddoomiyaha xisbiga ucid Faysal cali Waraabe ayaa ka waramay qorshayaasha madaxwaynaha looga baahan yahay inuu ka qaato xaalada adag ee ka taagan iyo sidii uu waliba gurmad ugu fidin lahaa ayaa waxa uu yidhi.
“Waxaan leeyahay awdal haloo gurmado buluxaar haloo gurmado dhulka ay duufaantu ku dhufatay oo dhan haloo gurmado,Madaxwaynaha waxaan leeyahay baaq dawladeed sameeya,waxaana madaxwaynaha laga rabaaa inaad soo fadhiisto ood dadka la hadasho uuna tacsiyadayso dadka ay dadku ka dhinteen xoolahuna ka baxeen oo hadal fiican aad jeediso ayaanu ka codsanaynaa lakiin wareegto uun hasoo qorin.Sidaas ayaa uu yidhi guddoomiyaha ucid
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland