Madaxweyne Muuse oo Kulan La Yeeshay Safiirka Maraykanka ee Somalida

0
431

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Martin Dale oo hoggaaminayey wefti balaadhan.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo qodobo door ah oo ay ka mid ahaayeen, iskaashiga, gargaarka, waxtarka, mucaawimada, dhaqaalaha,  iyo Amniga, waxaana la isla meel dhigay dhammaan qodabadaasi sidii loo hirgelin lahaa loogana midho dhalan lahaa wakhtiga ku haboon uguna dhakhsaha badan.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here