Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka hadlayay maanta munaasibad xisbigiisu ku xusayay 27 guurada maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee 18-ka.May,ayaa ka hadlay sida ay lama taabtaan u tahay debbaal degga 18 May iyo in aanay cidina wax ka bedeli karin.
Waxaa kale oo uu ka hadlay colaadda beelaha walaalaha ah ee ka taagan Ceel-afweyn iyo kulan ay Madaxweynaha la yeesheen.
Waxaa kale oo u si adag uga hadlay qabyo badan oo ka jirta dawladda goleyaasheeda kala duwan iyo dagaalka gardarada ah ee Soomaaliya ku soo qaadday Somaliland.
Haddaba halkan ka daawo qudbadda uu guddoomiye Jirde kaga hadlay xuska munaasibadda 18-ka.May xisbigiisu maanta ugu debbaal degay.
Xogsoor Media.Net
Xogsoormedia24@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland