Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka Wada Hadlay Arrinta Tukaraq iyo Doorashooyinka Soo Socda

0
363

Hargeysa(Xogsoor Media.Net) :– Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Somaliland  iyo Qarmada Midoobay hannaanka ay u wada shaqeeyaan iyo kor u qaadinsta arrimaha aadaminimo ee Qarmada Midoobay ay Somaliland ka taageerto ka dib kulan maanta qasriga Madaxtooyada ay ku wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay Danjire Michael Keating,  pp au ku wehelinayeen  madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo ka war bixiyay kulanka labada dhinac ay wada yeesheen  iyo arrimaha lagaga wada hadlay,ayaa sheegay in kulankaasi uu guul ku soo dhammaaday.

Waxaanu yidhi Wasiir Sacad oo arrimahaa ka hadlayay “Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada, arrimo kale oo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”ayuu yidhi Shire.

Sidoo kale,Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating, ayaa ka haday kulankaasi uu la yeeshay madaxweynaha iyo shirgudoonka baarlamaanka.

“Madaxweynaha waxaanu ka wada hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka soo socda oo ay sheegeen inay ka go’an tahay in wakhtigeedii dhacaan iyo arrimaha Tuko raq oo loo baahan yahay in arrintaasi xal nabadeed lagu dhameeyo oo khilaafaadka ka jira xadka sidii loo dhameyn lahaa, waana kulankii labaad ee aan la yeeshay madaxweynihii”ayuu yidhi Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Keating.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shanta bilood ah ee ay xukuumadda Muuse jirtay

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here