Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed mar kale ka qarxay deegaanno hoos yimaadda degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan ka dib markii uu saaka ka dhacay dhawr goobood oo ka mid ah deegaanka degmada Ceel-adweyn dagaal beeleed soo noq noqday .
Dagaal beeleedkan oo ah dagaal beeleed marar badan soo noq noqday oo muddoouin kala duwan nabaddiisa loo fadhiistay isla markaana go’aamo dhawr ahi ay ka soo bexeen ayaa hadana mar kasta labada beelood dagaalkoodu soo noqdaa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanka Ceel-afweyn ayaa sheegay in dhibaatada dhacday ay Xukuumad ahaan ka xun yihiin isla markaana baaq nabadeed u diray labada beelood ee dirirtoodu soo noq noqotay.
Waxaa kale oo uu waxgaradka reer Somaliland ugu baaqay in loo wada koco sidii collaaddaas loo soo af-jari lahaa ee labada beelood nabad waarta looga dhex dhalin lahaa.
Dhinaca kale xaaladda deegaanadii saaka dirirtu ka dhacday ayaa deggan waxaana gaadhay ciidammo ka tirsan ciidanka qaranka oo ka hawl galay isla markaana kala dhex galay ciidan beeleedyada labada beelood.
Dagaalka labadan beelood oo soo noq noqday go’aamo dhawr ahina ay ka soo bexeen ayaan la garanayn sababta ay u shaqayn waayeen go’aamadii hore looga soo saaray ee dhinaca qalad ka yimaaddo tallaabo looga qaadi la’yahay