Madaxweyne Trump oo ka Baxay Heshiiskii Iiraan Kuna Dhawaaqay Cunaqabatayn Culus iyo Jawaabta Madaxweyne Rooxaani

0
455

Washington(Xogsoor Media.Net):- Madaweynaha dalka Maraykanka Trump,ayaa  qalinka ku  duugay oo saxeexay in dalkiisu uu ka baxay heshiiskii dalalka lixda ah iyo Iiraan ay kala saxeexdeen ee lagaga heshiiyay Nukliyeerka Iiraan ay wadday  samaysashadiisa in ay  joojiso iyo in caalamku ka qaado cunaqabayn hore u saarnayd dalkaas.

Markii hadalka Trump soo baxay waxaa daqiiqado kooban ka dib ka hadlay Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Rooxaani oo sheegay in heshiiskaasi uu halkiisii ka sii socon doono oo uu sidiisii ahaan doono kana wada shaqayn doonaan dalalkii kale ee ay Iiraan wada galeen

 

Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto.

Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran in aanu  Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaanu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hoggaansato heshiiskaasi in aanu wax nabad ah soo kordhin doonin.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska.

Hogaamiyeyaahsa dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi.

Hasayeeshe waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here