Golaha Deegaanka Laascaanood oo Rogay Amar ka Soo Baxay Wasiirka Hawlaha Guud Kana Hor Yimi Fulintiisa

0
416

Laascaanood(Xogsoor Media.Net):- Xildhibaanoka tirsan golaha deegaanka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,ayaa rogay  amar ka soo baxay wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud isla markaana ku sheegay  amarkii wasiirka mid qaldanaa oo ka hor imanayay in magaalada wax dhisme ah laga dhisi karo.

Waxaa kale oo ay xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ay sheegeen in aanu jirin wax dhul ah oo degmada Laascaanood leedahay oo dan guud ah oo gacanta ugu jirta dawladda hoose.

 

waxaanay ku doodeen in dhulka Laascaanood ee bannaan dhammaantii dadweyne leeyahay oo ay sharciyo xilliyo kala duwan loo samaystay lagu mulkiyay.

Dhinaca kale wasiirka hawlaha guud ayaa amar ku bixiyay in aan la bixin karin dhulka degmada Laascaanood ee ka baxsan naqshadda magaalada ee danta guud ah oo uu sheegay in ay rabshado badani ay ka dheceen qaybna uu ka yahay nabad gelyo darro xilliyo kala duwan ka dhacay Laascaanood.

 

haddaba halkan hoose ka daawo  hadalka xildhibaanada golaha deegaanka ee Laascaanood oo arrimahaa ka hadlaya.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here