Berbera(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo socdaal ku marayay gobolada bari ee Somaliland ayaa soo gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera,halkaas oo aad loogu soo dhaweeyay dadweyne tirobadanina ay isugu soo bexeen soo dhawayntiisa.
Guddoomiye Cirro oo markii Berbera soo gaadhay dadweynaha magaalada u jeediyay qudbad uu kaga hadlay Berbera iyo xaaladda ay ku sugan tahay iyo heshiiskii dekeda.
Haddaba qudbada guddoomiye Cirro oo dadka dareenkooda taabatay halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland