Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo ka Hadlay Qorshe Dib Loogu Soo Celinayo Dhul-daaqsimeedkii oo la Ootay

0
459

Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide, ayaa sheegay in gobol ahaan ay soo dhawaynayaan cid kasta oo doonaysa in ay magaalo xuduudeedka Ballugibadle ay maalgashato oo ay ka samaysato xarumo ganacsi, waxa  kale oo  uu sheegay in gobolka Hawd ay ka jirto dhul oodasho xad-dhaaf ah oo uu tilmaamay in ay jiraan dhulka xoolo daaqeenka ah oo aad loo ootay, taas oo  uu sheegay in ay tallaabo dawladeed ka qaadayaan.

Waxa kale oo uu sheegay guddoomiye Shide in ay ku hawlan yihiin gobol ahaan dhanka  beeraha iyo wax-soosaarka dalagyada, taas oo ay culays wayn saarayaan si ay u hirgeliyaan ballan-qaadkii Madaxweynaha ee ahaa in dhanka cuntada dalku isku filnaansho ka gaadho.

Guddoomiye Yaasiin Maxamed Shide, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Dawan.  Ugu horrayn guddoomiyaha oo ka hadlayay xaaladda guud ee gobolka, ayaa yidhi “guud ahaan gobolku waa nabad gelyo, waanu roobban yahay oo barwaaqo weeye, waxa kale oo ka jirta dardar gelinta sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeraha iyada oo  la raacayo go’aankii Madaxweynaha ee ahaa in dalka Somaliland la soo boxo cunto ku filan. markaa gobolka waxa soo gaadhay wasiirka horumarinta Beeraha oo aanu ka guddoomay 27 kun oo saacadood oo loo qodayo gobolka, waxaanan  ku wareejiyay afarta Maayer ee degmooyinka gobolka oo kala ah Balli-gubadle, Balli Cabbane, Sayla iyo Gumburaha oo iyaguna ku  kala wareejinayay 900  oo qoys oo loogu talo galay in beeraha loo qodo.”

Guddoomiye Shide oo ka hadlayay dhulka la ootay ee seerayaasha ah, waxa uu yidhi “Gobolka dhibaatada ugu weyn ee ka jirtaa waa dhul oodashada oo aad ugu badan, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii tallaabo looga qaadi  lahaa wasaaradaha ay qusayso oo ay ka mid yihiin deegaanka ,Hawlaha guud  iyo kuwo kale, waxa kale oo noo qorshaysan in aanu soo celino  dhulkii xoolo daaqeenka ahaa ee ay xooluhu ku noolaayeen oo in badan oo ka mid ah la iska ootay. Annaga oo kala saarrayna dhul beereedka sharciga ah ee wax lagala soo boxo iyo beeraha sharci darrada ah ee la iska ootay, waxaanan dadka ku baraarujinayaa in ay ALLE ka baqaan oo ay iska daayaan dhulka aanay waxba ka beeranayn ee ay iska ooteen.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay sida ay u dhiiri gelinayaan in caasimadda gobolka Hawd ee Balli-gubadle  oo ku taalla soohdinta ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo ah magaalo xuduudeed iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ay leeyihiin madaxda dhanka Itoobiya ee ku sugan Balli-gubadle ayaa yidhi “Balli-gubadle waa magaalo xuduudeen uu ka bannaanyahay  jaanis ganacsi oo kugu xidhaysa dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaanay leedahay Kastam wasaaradda Maaliyadda ah oo shaqeeya oo ah xarun dakhli soo saar oo si sharci ah ay  wax uga gudbi karaan ugana soo geli karaan. markaa waxaan ugu bushaaraynaynaa cid kasta oo doonaysa in ay Balli-gubadle maalgashato oo ay xarumo ganacsi ka furato in aanu siinayno dhul  ay degaan oo ay xarumo ganacsi ka  furan karaan, waxa kale oo aanu xidhiidh wanaagsan leenahay madaxda Balli-gubadle ee dhanka Itoobiya  oo aanu iska kaashano isu socodka labada dal iyo illaalinta ammaanka oo aanu ka wada hawl galno madaxda Itoobiya ee gobolka  Hawd.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay dacwad muddo  badan socotay oo ay soo af-jareen, ayaa yidhi “waxaanu soo gebo-gabaynay dacwad socotay muddo badan oo illaa toban sanno soo socday oo aanu ku guulaysanay in aanu kiiskaas qaadno, iyada oo labadii dhinac ee kiiskaasi uu ka dhexeeyayna ay aqbaleen go’aankii aanu ridnay. waxa kale oo jira dacwado badan oo dhanka beeraaha ah, waxaana jirta marka Raxmaadka ALLE uu da’o, waxa badata lexojeclada oo beeraha ayaa la isku qabsadaa,  taasina wax weyn maaha, waanan dhammaynaynaa.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay dhulkii xoolo daaqeenka ahaa ee gobolka Hawd oo la wada ootay, ayaa yidhi “gobolka Hawd waxa jirta arrin uu kaga duwan yahay dhamaan dalka intiisa kale oo dhan oo dhib ku ah, taas oo ah dhulkii xoolo daaqeenka ahaa  oo la iska wada ootay, waxaanan wacyigelin badan u samaynay dadka deegaanka oo imika taa ku baraarugsan, una diyaar ah in la baabiiyo beeraha sharci darada ah. waxa kale oo aanu ka wada  shaqaynaynaa wasaaradaha ay qusayso arrintani, waxaana ka xukuumad ahaan,  ka maamul gobol iy odegmooyin  ahaan iyo dadweynaha oo nagu taageersan ba naga go’an in dhulkii xoolo daaqeenka ahaa  in aanu xoolaha u soo celino oo aanu baabiino dhammaan beeraha aan sharciga ahayn ee dhul-daaqsimeedkii gobolka lagu boobay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Hawd.

Badhasaabka gobolka Hawd Yaasiin Maxamed Shide waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Gobolku  xuduud marka uu ku yaallo wuu hawlo badan yahay oo mar walba waxaad la dagaalamaysaa kootarabaan isaga gudbaya labada dal, markaa ciidan aad u wanaagsan oo boolis ah ayaa gobolka ka hawl gala, waxaanay dagaal aad u weyn ay kula jiraan in ay  ka hor tagaan kootarabaanka dalka soo gelaya, taas oo ay ugu daran tahay maandooriyaha Khamriga,  markaa maamulka gobolka Hawd ee Somaliland iyo ka dhanka Itoobiyana waanu ka wada shaqaynaa illaalinta nabad gelyada iyo iskaashiga labada dal.”

Xigasho Wargayska Dawan

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here