Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geel Jire) oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE xilal wasiirnimona ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo,ayaa si adag u dhaliilay go’aan ay soo saareen gudiga qaban qaabada xuska munaasibadda Qaranka ee 18-KA May oo ay usoo rareen in debbaal degga la qabto 15 May .
Gudiga qaban qaabada 18 May ayaa sheegay in ay sidaa u yeeleen in ay kala duwaan curashada bisha barakaysan ee Ramadaan iyo debbaal-degga 18 May.
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire waxa uu sheegay inay jiraan habab badan oo bisha Ramadaan gudaheeda loo xusi karo munaasibada 18-ka balse aanay habboonayn in maalintaas taariikhdeeda loo raro maalin kale oo aan ahany maalinteedii ay ahayd..
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ka hadlaya aragtida uu ka qabo in maalin kale loo raro xuska 18-ka May ayaa waxa uu yidhi “Marka ay noqoto Arinta 15-ka May waxaan leeyahay waa qalad, waxa loo dabaal dagayaa waa maalintee waxa la muujinayaa maaha dabaal daga, maalintana kuma amaahin kartid
maalin kale, dabaal degaas hadii ay jiraan duruufo carqaladaynayaa iska dayntiisa ilaa yarayntiisa inta u dhaxaysa dhinac aad uga wareegto waad heli kartaa, laakiin maalinta aad maalin kale uga wareegtaa aniga ilama habboona, haddii dhinaca musliminada iyo diinta laga eegayo iyo haddii laga eegyo xaga dunida labaduba taariikhdu waxay sheegaysaa in wixii haboon ee la samaysanayo aan Ramadaan iyo Soon midna loo dayn, muslimiintii hore-na Ramadaan ayey dagaalami jireen oo Beder ayaaba ramadaan dhacay, macsida ayaa layska daayaa Ramadaanta oo diinta ayaa la xoojiyaa balse si kale oo Ramadaanta u qalanta waa in loo badalo 18-ka May.”ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo la hadlay star tv.
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay noocyada dabaal daga ah ee la samayn karo bisha Ramadaan dhexdeeda isla markaana lagu muujin karo 18-ka May waxaanu mar kale yidhi “Noocyada dabaal deggu way badan yihiin , naacyada xusku way badan yihiin, noocyada farxad muujinta iyo isku imaatinku way badan yihiin, markaa si ramadaanta, cibaadada iyo waxaas oo dhan munaasib ku ah ayaan qabaa in la samayn karo, hala joojiyo ayaa dhaanta maalin kale haloo raro, waxaana la samayn karaa siyaabo kale oo waafaqsan Ramadaanta, tusaale ahaan doorkii ugu dambeeyey abaaro ayaa inagu dhacay oo waxaynu nidhi xuskeena sadaqo ayeynu ugu ururinaynaa dadka abaartu saamaysay, haatana waxaynu samayn karnaa in madaxtooyooyinka lixda gobol iyo xarumaha badhasaabada afur lagu samayn karo, xataa tuulooyinka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinku way samayn karaan waana wax umada xusuusin kara in maalintani ka duwan tahay maalintii ka horaysay iyo maalinta ka dambaysa.”
Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa sidoo kale sheegay in haatan la hir geliyo qorshaha laga yeelan doono labada sano ee soo socda oo 18-ka May ku beegan tahay badhtamaha bisha Ramadaan waxaanu yidhi “Marka imika la yidhaa 15-ka May haloo soo raro oo aan Ramadaan ahayn kuwa dambe badhtankooda ayey ku dhacaysaa marka ay Ramadaan 3-da May noqoto sanadka kalana dhawryo labaatanka April noqoto iyada oo maalin loo cararo oo lagu gabado aanay jirin ayey 18-ka May imanaysaa, wixii maalmahaas la yeeli doono imika hala yeelo.”
Ugu dambayn siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa guddida u diyaar garawka xuska 18-ka May ugu baaqay inay talo dib iskugu noqdaan, waxaanu yidhi “Wixii uu doono ha ahaadee wixii soomaaliya ina kala duwaya cid kalaba haynoo dambaysaa ee ina kala muujinaya in lagu kaco oo la sameeyo ayaan anigu u taag nahay, waxa aniga iigu daran in maalintiiba laga guuro oo la yidhaa maalin kale ayaa loo dabaal dagayaa oo loo amaahanaya taas ayaa ila qaldan, maalintaasna aynu ku heshiino inaynu sideedii ugu noqono, guddidana waxaanu leenahay dib u fadhiista oo madaxweynaha kula noqda, taladaasna dib uga fadhiista.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland