Muqdisho(Xogsoor Media.Net); Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Jarmalka una shaqaynaysay Hay’adda Laanqayrta Cas ,ayaa xalay lagu af-duubay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Kalkaaliso caafimaad oo Jarmalka u dhalatay ayaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho halkaas oo ay ugu shaqaynaysay hay’adda Laanqayrta Cas ee caalamiga ah.
Rag hubaysan oo la sheegay in ay ahaayeen ilaaladii xarunta Laanqayta Cas ayay dawladda Soomaaliya sheegatay in ay haweenaydan af-duubeen.
Afhayeen u hadlay hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICRC ayaa sheegtay in uu aad ooga walaacsan yahay ammaanka gabadha ay shaqaalaha ka tirsanayd.
Wuxuu sheegay in ay maalin walba ku dadaalaysay in ay badbaadiso nolosha dadka Soomaaliyeed ee ugu nugul
Xogsoor Media.Net
Hargeisa somaliland