Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Xukuumada Somaliland ayaa sababaysay wax ka bedel lagu sameeyay xuska 18 May ee munaasibadda qarannimada iyo maalinta madaxbannaanida Somaliland ee sannadkan oo ku beegantay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Munaasibadda sanad guurada 27-aad ee debbaal-degga maalinta Madaxbannaanida Somaliland oo ku beegnayd 18-May.ayaa loosoo raray sanadkan 15 bisha May si look ala duwo debbaal deggaiyo dhalasahda Bisha Soon.
Madaxweyne Ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo gudoomiye u ah guddida qaban qaabada xuska 18-ka may ayaa si rasmi ah u shaaciyey maalinta ay go’aamiyeen in la xuso munaasibada 18-ka may waxaanu yidhi “Sanad guuradeenii 27aad ee maalintii ay qaranimadeeda somaliland la soo noqotay oo ku beegantay maalin jimce ah oo bisha ramaddaana ay noqonayso maalintii 2aad, inaga oo dad islaama ah oo aynu garanayso culayska Ramadaanka, cida ashcaarta dareenka somaliland muujisanaa ay
tahay ciidamada somaliland waxa laysla gartay in la soo qadimo oo aynu ka dhigano 15-ka bisha May maalintii aynu dabaal dagaynay ee aynu muujinaynay gooni isku taageena.”
Madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa sidoo kale fariimo muhiim ah oo ku saabsan isku duubnida u jeediyey shacabka somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo debadiisaba, waxaanu yidhi “Waxaan dhamaan shacabka somaliland gudo iyo dibedba ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan oo ay xoojiyaan dabaal degyada meel kasta oo ay joogaan, iyada oo maanta taariikhda iyo sumcada dalkeenu ay meel sare gaadhay waa inaynu aad u muujinaa dareenkeena, aragtiyaha aynu ku kala duwanahayna waa inaynu meel iska dhignaa oo aynu ku midawno dhismaha qarankeena loona midoobo sanad guurada 27aad, waxaanan guud ahaan shacabka u rajaynayaa soon wanaagsan iyo sanad guuro wanaagsan.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland