Waxaa la is waydiinayaa Madaxda Xukuumadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab in xidhiidh ka dhexeeyo
Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Soomaaliya ayaa u magacawday Sarkaal ka tirsanaa muddo badan kooxda Al-Shabaab u qaybsanaha arrimaha ganacsiga ee dalka Turkiga
Sarkaalkan oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Aadan Daahir dadka Soomaalida ahIna ay u yaqaanaan Caanooy, ayaa ka mid ahaan jiray xarakada Al-Shabaab una qaabilsana qaybta cashuuraha Ama (Zakawaat) magaca uu kaga tirsanaa xarakada Al-Shabaab ayaa ahaa (Abuu Taajid) Magaciisa saxda ahna waa Maxamed Aadem Daahir lana baxay waayihii danbe Caanooy. Haddaba dowladda Soomaliya ayaa waxaa ay u magacaawday u qaybsamaha cusub ee Ganacsiga ee wadanka Turkiga iyada oo ninkan ka mid ahaan jiray kooxda Al-Shabaab uu walaac wayni ka taaganyahay in shaqsi noocaas ah loo magacaawo xilkaas
Waxaa hore u magacawday wasiiradii hore ee Ganacsiga Soomaliya Marwo Khadra Axmed Ducaal taariikhda Mark ay ahayd 04 Novmeber 2017 kadib markii la ogaaday in uu ka mid ahaan jiray Xarakada Al-Shaab ayay dowlada Soomaliya ogaatay, sidaas darteed ayaa waxaa la hakiyay warqadihiisa lagu magacaaway. iyada oo intaas jirto ayaa waxaa dib u cosboneysiin ay u sameysay wasaarada ganacsiga warqadihii hore ay qortay wasiiradii hore ee Ganacsiga Marwo Khadra Axmed Ducale. Waxaa la filayaa sida ay howshu ku dhamaato iyo go,aanka ay ka qaadato Madaxda sare ee dalka iyo Safaaarada Soomaaliya ee Ankara, iyadoo arrintani ay saamayn ku yeelan karto xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Waxaa kale oo is waydiin badani ay ka taagan tahay in ninkan oo keliya uu yahay sarkaal ka tirsanaan jiray Al-Shabaab oo ay Xukuumadda Soomaaliya xil u magacawday iyo in saraakiil badan oo Al-Shabaab ahi ay ka mid yihiin madaxda dawladda Soomaaliya ay magacawday e oo waliba ay dalalka dibeda ee ay Soomaaliya safaaradaha ku leedahay ay u dirtay.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland