Mursal oo loo Doortay Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Guushiisa

0
494

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- doorasho laba wareeg la isgu jilib dhigay oo tiban musharax ku loolameen,ayaa lagu doortay Guddoomiyaha golaha sacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo hore u ahaa Wasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaadhaya 147, halka musharaxa Ibraahim Isaaq Yaroow uu helay 118 cod.

Musharax Mursal,ayaa hore loo sii saadaalinayay in uu booskan ku soo bixi doono waxaanay wararku sheegayaan in dhanka Xukuumaddana uu ka haystay taageero badan oo ay doonaysay in uu booska ku guulaysto ugu sarreeya golaha shacabka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,ayaa hambalyeey guddoomiyaha cusub oo uu ku bogaadiyay guusha uu ka gaadhay tartanka uu u galay guddoomiyenimada golaha shacabka.

Doorashada guddoomiyaha aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa so oaf-jartay loolan adag oo siyaasiyiin badani ay ugu tartamayeen isla markaana waxaa kale oo halkaa ku dhammaaday tartankii cidda buuxinaysa kursigii uu banneeyay Guddoomiye Jawaari.

Laakiin waxaa u taalla shaqo adag  oo hawsheeda leh guddoomiyaha cusub ee la doortay waxaana loo fadhiyaa in uu mideeyo xildhibaanadii  kala qaybsamay

Waxaa kale oo looga fadhiyaa in uu golaha shacabka iyo Xukuumadda sidii uu u kala xorayn lahaa ee golaha shacabku  uga madaxbannaanaan lahaa Xukuumadda awoodna uu ugu yeelan lahaa in uu la xisaabtamo Xukuumadda.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here