Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gurmed deg deg ah ugu tegay qoys daad qaaday oo roobkii cawa Hargeysa ku da’ay uu dad ka qaaday oo ay xubno qoyska ka mid ahi ku geeriyoodeen qaarna kalena daadku uu la tegay oo wali la raadinayo.
Madaxweyne Muuse ayaa aabbaha qoyska ka tacsiyeeyay masiibada soo gaadhay isla markaana sheegay in qaranku garab taagan yahay lana qaybsanayo murugada dhibaatda ramxaadka ALLE soo gaadhsiiyay.
Waxaanu Madaxweynuhu intaa raaciyay in wixii lala qaban karona qoyska lala qabanayo isla markaana lala baadi goobayodadka kale ee ka maqan ee daadku caawa qaaday geeri iyo nololba.
Gurmadka Madaxweyne Muuse ugu tegay qoyskan masiibada daadka dadku kaga geeriyoodeen,ayaa waxa ku weheliyay socdaalka gurmadka ah ee uu ugu tegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo masuuliyiin kale
Haddaba halkan ka daawo.