Xukuumadda Somalilmand oo Wadda Qorshe Dalku Ku Noqonayo Mid La Jaanqaada Tiknoolajiyadda iyo Aqoonta Casriga ah

0
446

“Maanta caalamka wuu ka hadhayaa dalka aqoon ahaan u  guuri waaya mid Tiknoolaji ah. Taawaradu in ay waxyeello leeyihiin iyo in kale waa dood wali taagan.”

Qof kasta oo taleefan haystaa wuxuu xaq u leeyahay in uu cidkasta dalka gudihiisa la hadli karo in shirkado loo kala xidhnaadona maaha.” Wasiirka Isgaadhsiinta Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi

 

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland ayaa wadda qorshe dalku ku noqonayo mid la jaan qaada  tiknoolajiyadda yo aqoonta casriga ah isla markaana samaysay tijaabooyinkii ugu horreeyay ee dalka loogu rararyo in cilmiga tiknoolajiga ah ee caalamka ka  hir galay in uu ka hana qaado.

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi  oo mudadii uu joogay wasaaradda qaaday tallaabooyin aad u muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyada ah ayaa sheegy in aanay suuragal ahayn in dal caalamka ka mid ahi uu hormar  gaadho haddii aanu la jaan qaadin tiknoolajiyadda caalamku maanta ku tallaabsaday.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay wadaan qorsheyaal lagu doonayo in aqoon kasta oo Somaliland laga baranayo in ay wadaan in ay noqoto mid ku salaysan tiknoolajiyad.

Waxaa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay shuruuc ay u samaynayaan isgaadhsiinta dalka iyo in ay shirkaduhu wada hadli karaan oo qofku isagoo kaadh keliya sita in uu shirkadaha oo dhan kala hadli karo taasoo uu sheegay in ay tahay xuquuq qofku leeyahay oo aanay shirkaduhu ka qaadi karin.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu wargayska dawan ku siiyay xafiiskiisa. Ugu horrayn wasiir Dr Cabdiwali oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudaddii uu joogay wasaaraddiisa,ayaa ku jawaabay. “waxyaabaha ugu waawayn ee noo qabsoomay waxaa ka mid ah in aanu dib u habayn iyo qaabayn sax ah aanu ku samaynay sida ay u shaqeeyaan waaxyaha wasaaraddu in aanu dhisnay xaruntii hore ee wasaaradda oo ay ku shaqayn doonto boosta dawladdu in aanu hir galinay adeeggii boosta dawladda oo aanu bilawnay oo ay imika ku shaqeeyaan illaa 11 wasaaradood kuna wada xidhiidhaan kaasoo ay noo qorshaysan tahay in uu wada gaadho dhammaan laamaha dawladda ee heer qaran iyo gobo iyo illaa degmo ama tuulo.

Waxaa kale oo noo qabsoomay hannaanka isku xidhka wada shaqayneed ee maqal iyo muuqaalka ah ee hal mar ay laamo kala duwani shir ku wada geli karaan taasoo aanu imikasuura gelinay in ay hal mar laamo kala duwani shirk u wada geli karaan habka casriga ah ee maqalka iyo muuqaalka ah oo imika shan wasaaradood aanu toos isugu xidhnay.waxaa kale oo aanu bilawnay xeerkii lagu maamulayay qaybtii isgaadhsiinta iyo tiknoolajiga,waxaa kale oo noo qabsoomay oo aanu ku guulaysanay in aanu xidhno waxyaabo badan oo ka soo horjeeday qarnnimada Somaliland sida.SO oo kale,waxaa kale oo aanu wadnaa siyaasaddii lagu maamulayay waxyaabaha ku jira Internetka oo aanu dhawaan hor geyn doono golaha wasiiradda..”

Wasiirka oo la kawaabayay su’aal laga waydiiyay in xeerka ay wadaan uu ku jiro xakamaynta baraha bulshada iyo in ay ilo wareedyada ku kooban yihiin ayaa yidhi. “labawax ayay  u mala qaybsamayaan mid wuxuu noqonayaa waxa loo yaqaan wixii ku jira mareegaha kala duwan oo noqon kara qaar warbaahinu leedahay ama qaar shirkado ay leeyihiin ama  kow shaqsiyaad leeyahayba, dhinaca  kalena waa qaar ku jira waxa loo yaqaano baraha bulshada sida Facebook,Twitter,Youtube Instgram iyo kuwo kale oo badan  markaa mid waliba wuxuu leeyahay sharciyo u  gaar ah oo lagu maamulo oo ay dawladuhu ku  maamulaan gacanta ayaanan ku haynaa waxaanan wadnaa wasaarad ahaan in aanu samayno siyaasad cad oo lagu dhaqo,tusaale ahaan haddii qof lagu xadgudbo sharaftiisa in qofkii waxaa sheegay uu caddeeyo ama la mariyo tallaabo sharciga waafaqsan taasoo  noqonkarta in qof laga galay,ama shirkad laga galay ama hay’ad dawladeed ama midgaar ah laga galay intaba.

Dhinaca baraha bulshada dunida ayaynu kala qabnaa  oo dodo badan ayaa ka jira  waxaanay leeyihiin xeerar iyo shuruuc u gaar ah .. oo lagu maamulo tusaale ahaan qofka bartiisa bulshada cid wax lagaga sheego ee lagu sharaf dilo ama lagu fadeexadeeyo isaga ayaa masuul ka noqonaya markaa iyana waxay maraysaa laba dhinac oo kala ah in dhinicii sharciyadda iyo dhinicii tiknokalba in la soo caddeeyo in qofkani uu leeyahay akoonka wax lagu qoray oo aanau ahayn mid isaga laftiisa lagaga been abuurtay iyo in kale markaa marka uu qofku yeesho akoonka  wax lagu qoray ayuu yeelanayaa masuuliyadda waxa ku qoranmarkaa sharciyadayahaas oo dhan gacanta ayaanu ku haynaa dhawaan ayaanan dhammaystiraynaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay heerka aqooneed ee ay gaadhsiian tahay ardayda jaamacadaha ka soo baxa ee dhanka Tiknoolajigu in ay tahay mid dabooli karta baahida tiknoolaji ee Somaliland u  baaan tahay,ayaa ku jawaabay. “markaan ka hadlayno aqoonta tiknoolajiga ah ee jaaamacadeheena lagu dhigto inta badan wixii culluun iyo qoraal ah waa kala mid jaamacadaha dunida  intooda badan  oo manhajka lagu dhigtaa waa  manhajyada Jaamacadaha walaw meelaha qaarkood ardayga saacadaha lasiinayaa aanay ahayn qaar dhammaystiran laakiin meesha ay aad ugu dambeeyaan ee aqoonta ardaydeena ka dhiman ee aynu ku hoosaynaa waa qaybta baragtikalka (shaqada oo gacanta laga qabto) ah taasoo aqoonta qayb muhiim ah ka ah la,aanteedna ay kala dhantaalan tahay cilmiga aad baranaysaa tusaale ahaan qofka tiknoolaji baranaya haddii uu todobaadkii qaadanayo lix saacadood oo tiyeri ah waa in uu helaa sagaal saacadood oo baragtikal ah haddoo uu afar saacadood qaadanayo waa in uu helaa 12 saacadood oo shaqo gacanta ah markaa aqoonteena Tiknoolajiga ah waxaa innaga maqan ama aad innoogu yar qayntii baragtikalka markaa waxaa noo qorshaysan in aanu hay’adaha tacliinta kala shaqayno in qaybtaa tiknoolajiga ah ardayda dhiganaysa wixii baragtikal ah laga caawiyo,ardayda kale ee aan dhiganayn aqoonta Tiknoolajigana in  la dhiso qayntooda tiknoolajiga sababtoo ah maanta nolosha oo dhan waxa hagaa waa tiknoolaji  oo maanta waxaa caalamkaloogu yeedhaa  ama la yidhaahdaa waa duni ku dhisan ganacsiga Tiknoolajiga ah,markaa maanta dhallinyaro badan ayaa ka soo  baxda jaamacadaheena shaqona looma wada abuuri karo markaa waxaynu u baahanahay in aynu soo saarno arday ka dhisan dhanka Tiknoolajiga oo xirfadleyaal ah oo dunida u shaqo tegi kara ama halkan wax ka curin kara oo dalka  wax ku soo kordhin kara,caalamka waxaa jira dalal badan oo aynu aqoonta kaga horrayno oohaddii ay ardaydeeni manhajka  jaamacadeed ee ay dhiganayaan iyo isku helaan bargtikal in ay deg deg uga shaqo geli karaan dalkana wax ku soo kordhin karaan.markaa dhanka baragtikalka in ardayda laga dhiso oo loo helo qalab u dhigma ka jaamacaha caalmku ay ku bixiyaan baragtikalka ayaan ka wada shaqaynaynaa hay’adaha waxbarashada.waxaa kale oo loo baahan yahay in ardayda loo diyaariyo waxa loo yaqaano Tiknoolaji blak froom taasoo ka caawin karta in ay samaystaan ganacsiyo ay iyagu hal abuureen ama in ay xirfad sare  oo aqoon sare ku dhisan in ay ku shaqo tagaan.

Waxaa kale oo aynu u baahanahay guud ahaan in aynu dalkeena ku dhisno aqoonta Tiknoolajiga ah oo maanta caalamka oo dhan ka  hir gashay haddii aynaan ganacsigeena ka dhigin Tiknoolaji oo aynaan caafimaadkeena ka dhigin Tiknoolaji,oo aynaan beeraha ka dhigin Tiknoolaji oo aynaan la jaan qaadin caalamka waxaa hubaal ah in aynu dib u dhacayno markaa Xukuumadda waxaa ka go’an in dalka loo raro tiknoolajiga dunidu ay marayso oo aynu caalamka la mid noqono.

Waxyaabaha ugu daran ee immika dalkeena ka jira waxaa ugu baan in qofka caafimaadkiisa la ogaado taasoo wakhti badan iyo hawl badan la geliyo waxaana sababay ma jiro rikoodh caafimaad oo qofku leeyahay oo  ay dhakhaatiirteenu sameeyaan dhakhtarka markuu u tago waraaq ayuu u qoraa qofkuna markuu dawada qaato ayuu iska tuuraa markaa waxaynu u baahanahay in xarumaheena caafimaad ay samayn karaan rikoodh caafimaad oo qofkasta oo soo maray uu leeyahay oo uu haysto xataa qofku oo meelkasta oo uu tagoba laga ogaan karo baadhitaanadii uu hore u galay isla markaana xarunta caafimaad ay ku garan garto qofka hore u soo maray waxa ku soo kordhay iyo waxa iska bedelay,waxaa kale oo wasaarad ahaan naga go’an  in beeraha aan u rarno in tiknoolji lagula socdo wax beerista dalka oo dha iyo roobabka inna hela sanadkii iyo dalagyada inoo soo go,ay inta innaga ba,day noocyada dalagyada aynu beernay ee aan soo bixin markaynu noqonodal waxqabadkiisu Tiknoolaji ahaan u diiwaan gashan yahay waxaynu ogaanaynaa wixii inoo saxmay waxaa kale oo aynu garanaynaa waxyaabaha aan qabsoomin ee dib u dhacay markaas ayaanay soo baxaysaa in wixii qabsoomayna la dar dar geliyo wixii aan qabsoominna in wax la iska waydiiyo sababta baajisay waana qorshe qaran oo ay wasaaraddu waddo isla markaana ay kala shaqaynayso mid kasta wasaaradda ama   hay’adda dawladda uga masuulka ah.”

Wasiirka oo la waydiiyay in ay qorshaha ugu jirto in shirkadaha isgaadhsiintu ay wada hadli karaan iyo in shirkad kastaaba gaar sidaa u ahaanayso,ayaa ku jawaabay.”horta waxa lagu wada hadlayao ee suura gelinaya wada hadalku waa hirar hawada socda oo ka mid ah khayraadka dalku leeyahay siday macdata iyo shidaalka tamartu u yihiin hanta qaran ayay hirarkuna u yihiin hanta qaran caalmka oo dhanna sidaa ayay ka yihiin  shirkaduhuna xaq uma laha in ay dadka kala qoqobaan oo ay ku kelifaan in uu qofku dhawr  simi kaadh iibsado oo kala duwan,waxaa kale oo jira in shirkadaha isgaadhsiintuna ay xuquuq leeyihiin oo loo baahan yahay in loo illaaliyo xuquuqdooda taasoo ah in aan ganacsigooda waxyeello soo gaadhin markaa labadaas ayaa is waafajin u baahan muddo badan ayay wasaaraddu in shiraduhu ay wada hadlaan ay isku dayday laakiin may hirgelin sababta ay u shaqayn waydayna waxay ahayd xeer la,aan laakiin imika waxaanu wadnaa xeerkii lagu dhiqi lahaa ee lagu maamulayay in isgaadhsiinta dalku wada hadasho markaa qorshaas waxaa nooga meel yaalla in ay shirkaduhu wada hadlaan markaanu xeerkaas dhammaystirno.

Wasiirka oo la waydiiyay in ay jirto dhibaato caafimaad oo taawaradu ay dadka u leeyihiin iyo in kale ayaa yidhi. “Taawaradu halis caafimaad ma leeyihiin mise ma laha waa dood caalami ah oo wali taagan way leeyihiin iyo malaha midna la iskuma raacsana wali laakiin waxaa loo badan yahay in aanay lahayn markaa waa dood wali caalamka oo dhan ka taagan oo aynu kala simanahay laakiin waxaa kale oo jirta Taawaradu waxay qabtaan oo ku dhaca hirat suura geliya in la wada hadlo markaa haddii imikalayidhaahdo taawarada magaalada halaga wada saaro taa macnaheedu waxay noqonaysaa magaalada hala go’doomiyo oo yaan la wada hadlin laakiin waxa u baahan n la isla hubiyaa waay tahay hannaanka Taawarka loo xidhayaa ma yahay mid waafaqsan kii caalamiga ahaa iyo taawarkaaad xidhaysaa ma yahay mid hayn kara hirarka uu soo qabanayo oo awood u leh in aanay waxba dhaafin, iyo muddo intee leeg ayuu awood u leeyahay in uu shaqeeyo,waxaa kale oo in la isla ogaado u baahanmarkameel taawar laga taagayo in ay jirto baahi keentay in la taago laakiin haddii taawar hore shirkadda meel uga taagan yahay ay midkaena  ka taagayso taasi waxay u baahanaysaa in la ogyahay baahi keentay dib u eegisna waanu ku samaynaynaa hannaanka Taawarada shirkadaha oo dhan.”

Ugu dambayn wasiirka  ayaa la waydiiyay siday uga hir tegi karaan qalabka tiknoolajiga ahi halista ay leeyihiin,ayaa ku jawaabay.”horta dal kasta oo caalamka  wax kasta oo dal soo gelaya waa la iska eegaa tayadiisa iyo heerka kuwaalatigiisu uu gaadhsiisan yahay Somalilandna waxay leedahay hay’ad la yidhaahdo Kuwaalati Kantarool oo u xil saaran in ay hubisio wax kasta oo dalka soo gelaya bad qabkiisa iyo waxtarkiisa, markaa waxaa noo qorshaysan in aanu Kuwaalati kantaroolka Somaliland aanu ka wada shaqayno hubinta qalabka elegtarooniga ah ee dalka soo galata waxtarkiisa iyo heerkiisa tayo waxaana waajib qaran ah oo xil naga saaran yahay in dalka aanu ku keekin dhaqaale bur bur ,halis caafimaad iyo khatar deegaan midnaba qalabka elegtarooniga ah ee soo geyaa,tusaale ahaan haddii moobillo tayadoodu liidato la keeno kow dhaqaale bur bur ayuu soo kordhiyay oo waxa luntay lacagtii lagu soo iibsaday ilayn  shaygii uu ganacsiga u keenay muu anficin qofkii iibsaday oo deg deg ayuu u xunaaday baahidiina way taagan tahay e,laba in aanu waxyeello caafimaad u yeelan qofka isticmaalaya oo aan isticm,aalkiisu xannnuuno sababi karin iyo in marka la tuuro aanu deegaanka waxyeellayn,markaa xil qaran weeye in la hubiyo waxaana go;’aamnka ugu dambeeya leh wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsuiga waanan kala shaqaynaynaa.”

Xigasho Wargayska Dawan

Xogsoor Media.Net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here