Hargeysa (Xogsoor Media.Net):- Gudiga Doorashooyinka qaranka iyo Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan),aya aisu muuqday isla markaana warbaahinta isu mariyay hadalo weerar iyo weerar celis ah kadib markii muddo lagu muran sanaa hadal haynteeduna ay dadweynaha ku badatay boos ka bannaanaaday golaha wakiilada buuxintiisu oo cidda kaydka Kulmiye ee golbolka Maroodijeex ee booska shanaad qofka leh muran ka dhashay.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo dorraad warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booskaas lagu muran san yahay uu leeyahay Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo uu hayo natiijadii rasmiga ahayd ee uu ku dhawaaqay markii uu guddoomiye ku-xigeenka gudiga doorashada uu ahaa ee la qabtay doorashadii golaka wakiiladda Somaliland wax iska bedelay natiijadii ay ku dhawaaqeen xilligaas oo dib ka soo baxayna aanay jirin.
Waxaa kale oo uu sheegay in agaasimaha komishanka doorashooyinku in uu u sheegay in aanay wax kayd ah aanay hayn isla markaana uu Cabdilaahi waydiistay in uu u keeno haddii uu wax ka hayo kaydkii xilligaas.
Laakiin waxaa hadalka Siyaasi Cabdilaahi jawaan uu damqay oo ka jawaabay Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame isla markaana waxaa uu Cabdilaahi jawaan ku eedeeyay in uu yahay dambiile qaran oo faafiyay sir xafiis oo uu sharci darro ku haystay
Waxaanu intaa raaciyay in Cabdilaahi Jawaan uu ku kacay hadalo kicin dadweyne ah iyo been abuur isla markaana shaki galiyay kalsoonida dadweynuhu ay ku qabaan gudiga doorashooyinka qaranka waxaanu yidhi.
“Waxaa dhacday in muwaadin xilka heyn iyo hay’addaha dawladda in uu warbaahinta isla soo taagey oo uu ku hadlay qaladaad aad u fara badan, oo saameeyay shicibka Somaliland isaga oo galey qaladaad cajiiba, oo ah nin xadhkihiisii gacmaha ku sita, Cabdillaahi Jawaan oo hore uga barteen shacabkani inuu yidhaaho ani, ani, ani, oo xata markuu hadlayay aan odhan koomiishankayagii joogey uu markasta leeyahay ana sameeyay, anaa haya anaa qabtay, wuxuu galay oo uu qaladaadka ku galay inuu soo bandhigay waraaqo been abuuraa, oo bulshadana ugu sheegayo inuu yahay sax, kuwaasi oo aan laheyn shaambadii, saxeexi, astaantii koomiishanka doorashooyinka qaranka, ee waraaqo uu soo qortay uu yidhi anaa ku dhawaaqayo, waa kuwaasi oo waa sax waana been abuur, hawlihii hay’addaha dastuuriga ah, xidhiidhkii ay sameeyeen ee hawshan faraha ku hayeen oo uu ka garnaqay oo uu yidhi garta aan go’aamiyay mid ka duwan haddii ay xukuumadu soo saarto waa qalad,
Guddoomiyaha koomishanka ayaa sheegay in hadalada kasoo yeedhay Cabdilaahi Jawaan ay yihiin kuwa umadda lagu kicinaayo isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaa kale oo uu ku talaabsaday kicin dadweyne iyo iska horkeen, qas iyo jahawareerna uu ku abuuray dadweynaha, taasina cadeynteeda ayaa looga fadhiyaa, waxaanu deedifeeyay xukunka soo socda waxaanu yidhi anaa xukumey waxaana leh Xuseen Axmed Caydiid taana waa looga fadhiyaaa waxaanu xaq u laheyn oo qof muwaadin ahi heysan karin inuu ku faano oo uu yidhaaho gurigeygaan ku heystaa, yaa u sharciyeeyey? Sawiradii xildhibaanada oo dhan ayaan heystaa oo yaa u sharciyeeyey? taasina dawladda iyo hay’addaha sharciga ah ayaa ka jawaabi doona, waxaanu u aragnaa in ninkaasi ka hor yimi shuruucdii u taallay wadanka, been abuur khalkhal, iska horkeen uu sameeyay shicibkana uu doonayo inuu nacsiiyo kana horkeeno komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland isaga oo waliba ahaa xubin komishan inuu komishanka sirihiisa bannaanka dhigo”
Intaa ka dib waxaa isla maanta warbaahinta la hadlay oo jawaab adag ka bixiyay hadalka Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Siyaasi Cabdilaahi Jawaab oo tilmaamay in aanay jirin in uu haysto dhugmanti sharci darro ah isla markaana ku adkaystay in waxa uu soo bandhigay uu yahay kaydkii gudigii doorashada ee qabatay doorashadii golaha wakiiladda oo sax ah
Haddaba halkan hooswe ka daawo Jawaabta Cabdilaahi Jawaan oo muuqaal ah.
XogsooR Media.Net
Hargeisa Somaliland