Ganacsato Macaash ka Deyay Badeecad Magaca ALLE Gef Ku Ah iyo Sheekh Siciid oo Ka Hadlay

0
553

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Waxaa suuqyada Somaliland la soo geliyay badeecad magaca ALLE gef ku ah isla markaana si jees jees ah loogu soo qoray oo lagu sharaf dilayo umadda Islaamka ah.

Badeecaddan oo ah shiraabaadada kabaha loo xidho ayaa waxaa ku qoran Magaca ALLE(ST) iyadoo aannay bannaanayn diin ahaan in magaca ALLE lagu qoro meel aan habboonayn,ayay ganacsato soo dejisay shiraabaadadan Magaca ALLE ku xardhan yahay.

Guddoomiyaha diiwaanka Zakada Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax oo ka mid ah culimada waawayn ee  reer Somaliland  oo maanta kaga hadlay qudbaddii salaadda Jimce ee maanta ayaa sheegay in ay tahay dambi weyn oo kabaa’ir ah oo la galay.

Waxaanu u soo jeediyay ganacsatada dalka soo gelisay in ay gubaan oo ay ALLE ka cabsadaan isal markaana ka toobad keenaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida xil uga saaran yahay wasaaradda Ganacsigu in ay ogaato wax kasta oo dalka soo gelaya .

Haddaba halkan hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here