Xildhibaan Golaha Wakiiladda ka Tirsan oo Sheegay in Xildhibaanadu Musuq Maasuq iyo Laaluush Xukuumadda Kula Shaqaystaan

0
488

Hargaysa(Xogsoor Media.Net):- Xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland,ayaa eedo culus u oo jeediyay golaha uu ka tirsan yahay  sheegayna in golaha wakiiladdu ay ku shaqeeyaan laaluush iyo lacag loo adeegsado markasta oo wax laga doodayo ama ay xeer meel marinayaan.

Waxaanu intaa ku daray in ay dhacdo in Xukuumaddu golaha lacag ku isticmaasho oo xildhibaanada u qaybiso si ay mar walba uga fushato arrimaha ay doonayso in ay cod aqlabiyad ah golaha wakiiladdu ku ansixiyaan.

Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay anshax marin golaha wakiiladdu ay isaga ku sameeyeen oo fadhiyo ka mid ah kulamada xildhibaanada golaha lagaga mamnuucay in uu ka soo xaadiro.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda oo ka mid ahaa mudaneyaasha ka soo baxay xisbiga UCID ee gobolka Saaxil,ayaa intaa ku daray in uu siagu diiday in uu lacag qaato oo uu u codeeyo xeerar Xukuumadduu dabada ka riixaysay isla markaana uu diiday in uu laaluush codkiisa ku qaato.

“Haday tahay gudida joogta ah iyo guddoomiyaha aniga cid ii yeedhay majirto go’aankana iyaga ayaa gaadhay inuu xoghayaha ku kooban tahayna waa laga yabaa aniga isaga ayaa ii sheegay  oo waxa uu igu yidhi warqad ayaan kuu hayaa inuu warqadda ii keeno ayay ahayd oo aan arko warqadda waxa ku qoran,xaqna uma laha inuu taleefanka iiga sheego Xoghayahu oo uu yidhaaho sidaas iyo sidaas ayaa lagu yidhi.”

 

Xildhibaan Xaamud oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi.”runtii wixii ay doonayeen iyo go’aankii ay rabeen way gadheen iyaga oon ii yeedhin waxna i waydiin waxkasta oon ku hadlana wixii igu kalifay aan lay waydiin Aniguna Aanan is Difaacin,taasina marka aynu eegno nidaamka golayaasha meel ay kaga jirto garan maayo,waxa kale oon halkan ka sheegayaa inaanu golaha wakiiladu lahayn Xeer hoosaad anigu intaas waxaan ku doodayay waar xeer hoosaadka golaha wakiiladda fadhiga keena oo markasta lama keeno waana Laga saraa ajandayaasha.

Dhinaca kale Xildhibaan Xaamud waxa uu soo bandhigay Laaluush ay qataan golaha wakiiladda somaliland marka ay golaha yimadaan Heshiisyadda Xasaasiga ahi.”maalintii dhawayd ee la Ansixinayay heshiiysyadda anigu umaan codayn hadaan u codeeyana waxaan noqon lahaa dambiile waayo meesha lacag ayaa timid oo  waanala baayacay oo rag ay xukuumadu soo dirsatay ayaa jira,waxa kale oo is Waydiin leh aniga oo heshiiskaas u codayn kara maxaa lacag laygu siinayaa dabadeed waxa laygu yidhi laaluush lacagtani maahee waa abaal marin,waxanan halkan ka sheegayaa lacagtaasi waa musuq-maasuq.”

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here