Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukun Ciqaabeed ku Ridday Boqor Buur Madaw

0
502

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Maxkamadda Gobolka  Hargeysa,ayaa xukun ciqaabeed shan sano ah ku ridday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw ku ridday ka dib markii maanta Maxkamadda Gobolka la hor keenay.

Guddoommiyaha Maxkamadda Gobolka Hareysa  Axmed Dalmar Ismaaciil oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamaddu ku ridday Boqor Buurmadaw,ayaa sheegay in lagu helay eedihii lagu  soo oogay oo  uu ku tilmaamay in ay isugu jireen faro alin arrimaha ciidamada uu ku  kaga Hadlay Boqorku iyo been abuur uu kaa been sheegay Madaxweynaha,madaxdhaqameedka Somaliland iyo shacabkaba.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in qodob sadexaad loogu daray dambiyadii loo haystay qodobkaas oo ahaa afleaado uu garsoorka dalka kula kacay.

Haddaba Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hareysa oo ka hadlaya xukunka uu ku dhawaaqay Halkan ka daawo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here