Cabdilaahi Jawaan oo Sheegay in Gudiga Doorashooyinku Dambi Ay Galeen oo ay Gubeen Dhaatadii Doorashooyinkii Hore

0
482

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar Cabdilaahi Jawaan oo ka mid ahaa gudigii doorashooyinka Somaliland ee ugu horreeyay isla markaana ahaa guddoomiye ku-xigeenkii ku dhawaaqay doorashadii golaha wakiiladda Somaliland,ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay dambi galeen ka dib markii uu sheegay in ay gubeen kaydkii natiijooyinkii doorashooyinkii hore.

Waxaa kae oo uu Cabdilaahi Jawaan sheegay in rag siyaasiyiin ahi ay ku af-legaadeeyeen in uu cid gaar ah u hiilinayo oo uu soo bandhigay natiijadii doorashadii golaha wakiiladda iyo qof waliba wixuu uu helay.

Waxaanu intaa ku daray in Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees cidda muran siinaysaa ay tahay gudiga doorashooyinka gaar ahaan agaasimaha guud oo uu ku eedeeyay in uu gubay dhaatadii doorashada kaydka u ahayd doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here