Uurcadde:Siyaasi Hore u Sheegay in Kulmiye Boobay Doorashadii Madaxtooyada maantana ku Tiraabey inay Caddallad aheyd

0
567

 

Hargeysa (Xogsoor Media.Net):-  Xoghayihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade ayaa Markii ugu horeysay qiray in doorashadii Dalka  ka dhacday ee Madaxtooyaddu ay u qabsoontay si cadaalad ah.

Waxa uu xusay in aanay jirin cid si gaar ah loo boobay, hasayeeshee lagu kala calaf qaaday doorashadaasi.

Sidaasna waxa u ku sheegay mar uu u waramayay HCTV, Waxaanu  yidhi “Doorashadii wadanka ka dhacday si sax ah oo caddaalad ah oo aan ku shubasho ahayn,  ayaan u arkaa in ay u qabsoontay oo ay dalka uga dhacday, Laakiin way jiraan khaladaad Maamul oo aniguba aanan ogolayn wey jiraan, waana

 


laga sinaa khaladaadkaas oo dhan ee may ahayn kuwo xisbiga Waddani ku gaar ahaa” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uur Cade.

Hadalka Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,ayaa meesha ka saaraya hadaladiisii hore ee uu ku sheegay in Doorashadii Madaxtoyada lagu shibtay  oo uu KULMIYE boobay ka dib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada ee KULMIYE ku guulaystay xisbiga WADDANI  oo uu ka ahaa Xoghayaha guudna lagaga adkaaday.

Waxaanu hadalkiisani ku soo beegmayaa ka dib markii dhawaan Xisbiga WADDANI ay ka qaadeen xilkii uu xisbiga ka hayay isla markaana laga saaray guud ahaan Xisbigaas.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.Net

Hargeysa Ofice

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here