“Waa Lagu Yaqaanaa Madaxda Soomaaliya Inay Mar Kasta Qaniinaan Gacanta Wax-siisa.” Faysal Cali Waraabe

0
486

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dawlada federaalka  Soomaaliya ay saarto ciidamadii imaaraadka ka joogay. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka abaal ka dhacayso wanaaga ay dawladda imaaraadku u gashay, isaga oo xusay in caadada abaal la,aanta lagu yaqaanay madaxda Soomaaliya.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya go’aanka ay dawlada soomaaliya ku saartay imaaraadka ayaa waxa uu yidhi “Waa lagu yaqaanaa madaxda soomaaliya inay mar kasta qaniinaan gacanta wax siisa waana caado ay yaqaanaan, tii ayaanay ku celiyeen oo umay kala hadhin dalkaas imaaraadka oo ahaa dalka kaliya ee

 

 

 

carbeed ee inoo furay khadka markii ay dawladii siyaad Bare burburtay ee soomaaliya isku qasantay, waa wadankii baasaaboorka ogolaaday ee ganacsiga furay oo maanta la arkayo inta ganacsade ee dalkaas joogta, dekedaheenana camiray waliba caawimo ugu daray soomaaliya, waana kii ka sheekaynayey Cabdiwali gaaska Garoowe wixii lagu samaynayey imaaraadka, markaa waxaan leeyahay dalka Imaaraadka dadka soomaaliyeed way dagaan shanta goobood ee Geeska Afrika, anaguna waxaanu nahay dadkii la bilaabay aabayaashood markii kacaanku na eryey ee la qaxay, mutacalimiintayadii iyo dadkayagii halka ay ku baxsadeen waa imaaraadka ee ilaa sheekh Saayid la shaqaynayey ee wasaarad kasta ka shaqaynayey ee edebta,wanaaga iyo walaalnimada lahaa.”ayuu yidhi gudoomiye Faysal oo u waramay HCTV.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay dalka imaaraadka carabta inay kala saaraan dadka soomaalida ah ee ku nool geeska Afrika, isaga oo xusay inaan soomaalidii talyaanigu gumaysan jiray lala qaban waxa ay sameeyeen “Waa inaad na kala saartaan oo aydaan soomaalida u isticmaalin yaa soomaali ah, soomali Jabuuti waad aragtaan, soomaali Kenya waad aragtaan, soomaali Itoobiya waad aragtaan, Anaguna soomaaliland ayaanu nahay, soomaali Itaaliya dhibaatada iyo foolxumada ay gaysteen wakiil nagagama aha, dadka soomaaliyeed raali ayey idinka yihiin, Gadar ilaa Sucuudiga waa dad aanu walaalo nahay xumaan noo dhaxaysaana ma jirto, in sidaas loo galo oo dadka iyaga oo aan dawlad ahayn aad siiseen waxaas oo lacag ah iyo tababar ah ee maanta taas iidiinku abaal guday waanu ka xunahay oo lama qaybsanayno, raali ayaanu idinka nahay ceebtaasina waa mid ku kooban madaxda siyaasiyiinta ee ka talinaysa soomaaliya.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay muwaadiniintii dhawaan lagu xukumay xabsiyada kala duwan ee lala xidhiidhiyey soomaaliya waxaanu yidhi “Anigu hore ayaan u sheegay oo waxaan idhi qof aan waxba ahayn ayeynu ka dhignaa geesi, inanta yar ee iska muraaqootay ee qalbi xabxabka ah in laga dhigo geesiyad maaha, inan yar ayaa la xidhay oo hadal tidhi maahee waa inaynu gudaheena hagaajisanaa oo aynu natiijooyin gaadhnaa laakiin inaynu ku meeraysano inanyar iyo wiil yar maaha.”

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa fariin u diray dhalinyarada somaliland waxaanu yidhi “Caruurteena waxaan leeyahay dalkan dhibaato ayaa loo soo maray, waa laysku keen xidh xidhi jiray oo xun yahow xunku dhalay ayaa layna odhan jiray, xabaalihiina way yaalaan, nabadan aad haysataana kumay iman laab lakac,  wali miyaad aragteen inanyar oo reer xamar ah oo inoo ooyeysa oo leh somaliland waa la laayey, maxaa inaga waxeena ka dhigay bilaa macnaha, dhalinyaradu waa inay joojiyaan bilaa macnaha, dawladuna qof bilaa macno ah oo caqli yar inay wax weyn ka dhigto oo ay sharafto maba aha, xadhigna maba istaahilaan, haday xamar jeceshahay ha joogto maxay naga soo doonaysaa,halkaas ay ka soo heestay ha joogto imikana halagu celiyo.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka war bixiyey safar uu mudo shan cisho ah ugu maqnaa dalka Itoobiya, isaga oo soo bandhigay guulaha uu ka gaadhay safarkaasi.

Gudoomiye Faysal waxa kale oo uu ganafka ku dhuftay hadal uu boqor buurmadow ku sheegay in dib loo soo qaado ciidamada qaranka, isaga oo xusay inaanu hadalkaasi ahayn mid uu wakiil kaga ahaa dawlada soomaliland, waxaanu tilmaamay inaanay suura gal ahayn in dib loo soo raro ciidama

Xogsoormedia.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here