Somaliland iyo Sweden oo ka Wada Hadlay Kor u Qaadista Taageerada Somalind Dalkaasi uu Siiyo

0
417

Hargaysa(Xogsoor Media.Net)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey safiirka dalka Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador. Andreas von Uexküll.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, laysagana kaashan lahaa arrimaha la xidhiidha dimu-quraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee horraanta sanadka 2019ka, dalka lagu wado in ay ka qabsoomaan, sidoo kalena waxa laga wada hadlay mashaariicaha dalka Sweden ka taageero Somaliland, oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan iyagoo marka horeba ahaa dalka saddexaad ee gacanta ka geysta arrimaha gargaarka binu-aadanimo, imikana ay halkii ka sii wadayaan iyagoo kor u qaadi doona kaalmadaasi.

 

Arrimaha kulankaasi lagu soo qaadayna waxa ka mid ahaa mashaariico cusub oo uu safiirku sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan oo ku saabsan sidii loo gacan qaban lahaa haweenka iyo dhallinyarada Somaliland looguna samayn lahaa maalgelin iyo dhiirigelinba, waxa iyana xusid mudan oo kulankaasi lagaga wada hadlay in ay Somaliland, joojisay sidii ay horeba u sheegtay wada hadaladii u dhexeeyey dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay sababtay fara-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay madax-bannaanida Somaliland iyo arrimaha mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayn kulankaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad, iyadoo loo ballamay in laga midho dhaliyo arrimaha ay ballan-qaadeen labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan sida ugu haboon, uguna dhakhsaha badan.

Xogsoor Media.Net

Hargeisa Ofice.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here