Imaaraadka Carabta oo Caddeeyay Heshiisyada Berbera in ay Soomaaliya la Galeen Dafirayna Qarannimada Somaliland

0
423

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Dawladda dalka Imaaraadka Carabta,ayaa markii u horraysay ka hadashay  heshiisyada Berbera cidda ay la galeen isla markaana meesha  ka saaray wax xidhiidh dublamaasiyadeed ah oo Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada leeyihiin.

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay marar badan isku dayeen in Somaliland iyo Soomaaliya ay isu soo dahweeyaan oo ay kulamo u qabteen.

warka Wasiirudawlaha oo ah gabi ahaanba mid ka soo hor jeeda wararkii ay Somaliland ka sheegtay heshiiska Imaaraadku ku imanayo Berbera oo ay ku sheegtay in uu yahay heshiis ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo keli ah isla markaana aan loo soo marin dawladda Soomaaliya iyo Muqdisho, halka Xisbiga WADDANI oo dhaliilsanaa heshiisyada Imaaraadka ee Berbera uu ku doodayay in heshiisyadaas uu mugdi badani ku jiro oo lala galay cid aan Somaliland ahayn.

Haddaba warka Wasiirudawlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta halkan ka dhegayso.

Xogsoormedia.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here