Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Madaxa ciidamada boqortooyada ingiriiska ee dalalka geeska Afrika ee fadhigoodu yahay xarunta dalka Itoobiya ee Addis ababa Kornayl Matt iyo saraakiil kale oo ciidan oo ka socday labada dal ayaa ka wada qayb galay furitaanka dhisme casri ah oo dawladda boqortooyada Ingiriisku u girgalisay ciidanka qaranka Somaliland
Madaxa ciidamada boqortooyada ingiriiska ee wadamada Geeska Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Adis Ababa Matt oo ka hadlay dhismaha ay u hir geliyeen ciidamada qaranka Somaliland ayaa soo bandhigay qorshaha loogu tala galay dhismahan.
Kornayl Matt oo ka hadlaya dhismahan ayaa waxa uu yidhi “Xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriisku waa mid aad u qoto dheer oo soo jireen ah, dhismahan aanu ciidamada u hir gelinayna waxa uu caddayn u yahay xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska.”
Kornayl Matt oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey“Waxaanu rejaynaynaa inaanu hore u sii wadno xidhiidhkayaga anaga oo taageerayna dawladda Somaliland oo aanu u hirgelino mashaariic faa,iido badan u leh annaga oo si wada jir ah u wada shaqaynayna, waxaanan rejaynayaa in dhismahani uu noqon doono mid ay ka soo baxaan saraakiil wax badan u tara Somaliland .”
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay dhismaha ay u hir gelisay dawladda Ingiriisku ayaa yidhi “Hawshan waxa qabatay oo kharashka ku baxay bixisay dawladda Ingiriiska, waana arrin horu mar ah oo ku soo kordhay dhismaha ciidankeena wax weyna ka tari doonta aqoonta saraakiisha oo la sii kordhiyo,
Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf ayaa dhiniciisa sheegay inuu rejaynayo in faa,iidada dhismahani ka muuqan doonto ciidamada qaranka waxaanu yidhi “Waxaan uga mahad celinaynaa dawlada Ingiriiska inay bixiso kharashka dhismahan loo hir geliyey ciidamada difaaca, waana horu mar iyada oo aanu ahayn dhismihii ugu horreeyey, waana wax dhaxal gal ah oo aan rejaynayo in ka faa,iidaysigiisu ka muuqdo ciidanka iyo qaranimada Somaliland .
Xogsoormedia.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland