Boqor Salmaan oo Furay Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta Farriin Jawaab ahna u Diray MadaxweyneTrump

0
341

Riyadh(Xogsoor Media.Net):- Boqorka  dalka Sucuudiga Boqor Salman Bin Cabdicasiis Sucuudiga ayaa furay shir madaxeedkii sagaal iyo labaataan ee ururka Jaamacadda Carabta oo lagu qabanayo magaalada Dahraan waxaanu khudbadiisii kaga hadlay qodob kala duwan oo ay ka mid yihiin Iiraan iyo  faro galin  uu sheegay in ay ku hayso bariga dhexe iyo jawaab cad oo uu ku diidan yahay hadalkii  Madaxweynaha Maraykanka Trump  ee uu ku sheegay in uu magaalada barakaysan ee Qudus in uu u aqoonsan doono caasimadda dalka Sraa’iil una rarayo safaaraddiisa.

Waxaanu Boqor Salnaan Sheegay in Qudus ay tahay xuddunta dalka iyo dhulka Falastiiniyiinta isla markaana aanay wax gor gortan ah gali karin Qudus.

 

Loolankaa dalkiisa iyo Tehran ka dhexeeya mooyee boqorku muu soo hadal qaadin weerarkii Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku ku qaadeen Suuriya.

Boqor Salmaan waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday in uu diidan yahay go’aankii uu dhawaan qaatay Madaxweyne Trump ee ahaa in uu safaaradda Maraykanka ee ku taal Tel Aviv u rari doono magaalda Quddus waxaanu sheegay in Quddus tahay goob muhiim ah oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta.

 

Dhinaca kale waxa uu dhawaan sheegay Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan in  Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Shirkii Jaamacadda Carabta ee sanadkii hore ka dhacay dalka Urdun ayaa ayaa Hogaamiyeyaasha Carabeed bayaankoodii ay ka soo saareen shirkaasi ay ku sheegeen in ay xidhiidh taariikhi ah la furi doonaan Israel hadii ay ka baxdo dhulka Carbeed ee ay haysato tan iyo 1967.

Hogaamiyeyaasha Carbeed ayaa waxa ay sidoo kale sanadkii tagay diiradda saareen dagaallada ka socda Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Yemen iyo la dagaalanka argagixisada iyo colaadda Falastiin iyo Israel dhex taal.

Dadka la socda arimaha Carabta ayaan iyagu filayn in shir madaxeedkani ka duwanaan doono kuwii hore, sidoo kalena waxaan la filayn in wax horu mar ah oo la taaban karo uu ka tari doonto colaadaha ka aloosan gobolka.

Xogsoormedia.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here