Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Taxay Sababta Gudiga Doorashada Somaliland Aan Mar Dambe Kalsooni Loogu Qabi Karin iyo Halka uu Xisbigiisu Ka Taagan Yahay

0
331

Hargaysa (Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga  mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,ayaa taxay sababaha  gudiga doorashooyinka Somaliland aan mar dambe kalsooni loogu qabi karin isla markaana aanay dalka doorasho dambe ka qaban karin iyo xisbi ahaan halka ay ka taagan yihiin.

Waxaa kale oo uu soo bandhigay dhaliilaha dul hoganaya gudiga doorashooyinka Somaliland iyo sida aanay dhex u ahayn.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa  intaa ku daray cabasho ay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland  oo ka dhan ah gudiga doorashooyinka Somaliland

Waxaanu sidaa  ka sheegay munaasiba xisbiguusu ku qabsaday dalka Ingiriiska oo uu hadda ku sugan yahay , wuxuu ugu horayn yidhi “Waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa go’aankaas uu Xisbigu ka gaadhay Komishanka, Komishanka ceebaa ka yimid, ceebahaas qaar ula kac ah iyo qaar kama ah labadaba way leeyihiin, oo hawshii ay ku filnaan waayeen ay ka mid tahay, iyo qaar ay u badheedhanba, waa la soo ururiyey, ilaa 1200 oo dhacdo oo Komishanku lug ku lahaa, ama farsamo xumaa ahaa oo goobihii codbixinta ka dhacay, goobahaas codbixintana waxa masuuliyadeeda leh Komishanka, iyo cida ay soo igmadeen, anaga muraaqiibintaydu anaga ayey masuul noo yihiin, anaga ayey noo ilaaliyaan, laakiin se go’aamada halkaas lagu gaadhayo iyo waxa lagu shaqeeynayo waxa lahaa Komishanka iyo dadka ay meesha dhigteen, ceebo badan baa ka soo baxay”.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlay cabashad ay Madaxweynaha u gudbiyeen iyo jawaabta Madaxweynaha ayaa yidhi “Markuu Xisbigu darsay waxa la isla gaadhay in Doorasho dambe aan lagu aamini karin Komishankan, xaq baanu Xisbigu u leeyahyay inuu ceebahaas iyo dhacdooyinkaas soo jeediyo, wuu u gudbiyey Madaxweynaha, Madaxweynuhu isagoo cidna u dirin, oo ahayd waajibkiisa, ilayn cabasho ayaa timide, inuu Guddi heer qaran ah u diro uu yidhaahdo waxaas Xisbigu ka cabanayo soo eega, Guddidaasi nala kulanto, Xisbiga la kulanto, dadkii masuulka uga ahaa cabashadaas iyo dadkii soo ururiyeyba, sidaana go’aan laga gaadho, isagoo meelnaba geyn ayuu isagu ka jawaabay, isagu (Madaxweynuhu) waa kii ku faa’iiday khaladkaa iyo eexda uu Komishanku galay, kii ku faa’iidayey weeye, kii ka jawaabi lahaa maaha, milguhu wuxuu faraayey oo cadaaladu ku jirtaa inuu cid kale u dhiibo oo uu yidhaahdo soo eega.”

Xogsoormedia.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here