Jidah(Xogsoor Media.Net):- Dalka Boqortooyada Sucuudiga,ayaa markii ugu horraysay dalkiisa ku qabtay tartan dumabrka bannaanka loogu soo saaray oo ay ciyaar ku tartamayaan.
Tartanka Baaskiilka dumarka Dumar reer sacuudi loo qabtay ee ay ku tartamayeen ayay ka qayb qaateen haween aad u badan isla markaana noqday tartankii ugu horreeyay ee haween loo qabto ee dalka Sucuudiga lagu qabto.
Tartankan oo ahaa bar bilawgii dalka Boqortooyada Sucuudigu uu ku soo baro saaray haweenkiisaayaa noqonaysa tallaabooyinka is bedel ee uu la yimi amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Slmaan.
Dumarka wada baaskiillada ayay u suura gashay in ay ka qeyb qaataan tartanka maalintii Salaadada ahayd lagu qabtay magaalada Jidda.
Tartankaan oo 10 kiilo mitir ahaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay 47 dumar ah, waxaana tartankaan soo abaabulay koox la magac baxday “noqo qof fir-fircoon” iyo dowladda.
Warbxin ay warbaahinta maxalliga la wadagtay Nadima Abu al-Enein oo ah qabanqaabiyaha tartankaan ayay ku sheegtay
“Dumarka badan ee ka soo qeyb galay tartanka awgeed ayaa waxa ay guddiga qaban qaabada u ogolaatay in ay kordhiyaan tirada dadka ka qeyb qaadanayo tartanka taas oo markii hore ahayd 30 balse markii dambe la gaadhsiiyay ilaa 47 gabdhood,” ayay tidhi. Si kastaba ha ahaate, guddiga ayaa weli ku khasban in ay qaar kale oo rajeynayay tartanka laga reebo.
Inkastoo tartankan falcelin wanaagsan ka helay helay barta Twitter-ka hadana qeybaha kala duwan ee bulashada aya dhaleeyceeyay.
Qof ka mid ah dadka barta Twitter-ka isticmala ayaa yidhi ” aniga sheikh diinta ku xeel dheer ma’ihi balse maaha in dumarku ay baaskiil ku dhex wadaan meel shaarac ah oo ay cawradooda u muujiyaan ragga. Haddi ay gabadhu dooneyso in ay baaskiil waddo waa in ay meel aan shaarac ahayn ku waddaa.”
Qofkale ayaa yiri ” shanta ama tobanka sano ee soo socda, dumarka hadda baraha bulshada ku naqdinaya tartanka ay ka qeyb qaadan doonaan tartanno kuwan la mid ah ama ay ka soo xadiri doonaan goobaha lagu qabanayo tartannada oo ay taageerayaal noqon doonan.”
Maamulka Sacuudi Carabiya ayaa 2013kii amar ku bixiyay in aan dumarka loo ogolaanin inay baaskiil ku wadaan goobaha lagu nasto.
Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxaa lagu dhawaaqay in magaalada Jiddah laga dhisi doono shaneemadii ugu horreysay ee laga hirgaliyo dalka Sacuudiga,iyadoo uu wadanka Sucuudigu isku diyaarinayo higsigiisa 2030-ka oo isbedel badan lagu sameyn doono bulshada.
Tartankan haweenka Sucuudigu ay ku baaskiiladaha ku tartameen aya loo arkaa in uu yahay mid Sucuudigu dumarkiisa kaga soo saarayo guryaha isla markaana ku doonayoin uu dhaqamobadan oodalkaa ka jiray oo haweenka asturnaantooda u wanaagsanaa in uu kaga tallaabsanayo isla markaana ku soo dhawaynayo reer galbeedka oo ka soo horjeeda asturnaanta Diinta Islaamku siisay haweenka.
Xogsoormedia.Net
Hargeisa Somaliland