Donald Trump wuxuu kulan deg deg ah Isugu Yeedhay La Taliyeyaashiisa Amniga ‘halka Ruushkuna Codsi u diray UN
Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa iskugu yeedhay la taliyeyaashiisa dhinaca amniga kaas oo kala xaajoonaya jawaabta ay haboon tahay in maraykanku ka bixiyo hubkii loo adeegsaday kiimikada ee ka dhacay dalka Suuriya.
Afhayeenka Aqalka cad ee dalka Maraykanka Sarah Huckabee ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu kulan la qaatay khamiistii la taliyeyaashiisa amniga isla markaana aanay ilaa hada wada gaadhin go’aan kama dambaysa ah.
Waxaa kale oo ay sheegtay in madaxweyne Trump uu la hadli doono madaxweynaha Faransiska Macron iyo Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May.
Dhinaca kalana, dawlada Ruushka oo taageerta dowladda Suuriya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in maanta oo Jimce ah uu Golaha Ammaanku isugu yimaado kulan lagaga tashan doono xaaladihi ugu dambeeyay ee Suuriya.
Xogsoormedia.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland