Roob Ma Hiigaan ah oo Hargeysa Ka Da’ay oo Bannaanka Soo Dhigay Fadhiidnimada Dawladda Hoose iyo Tirada Baabuur Dooxo Qaaday

0
424

 Qashin  awday laagihii biyo mareenada oo sababay xannibnaan biyaha magaaladda ku xidhay

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Waxaa maanta galinkii dambe ka da’ay caasimadda Somaliland  ee Hargeysa roob  mahiigaan ah oo aad loogu diirsaday isla markaana saacado badan ka da’ayay  magaalada Hargeysa.

Roobka ka da’ay magaalada oo ahaa mid aan u wayn isla markaana si wayn loogu diirsaday ayaa bannaanka soo dhigay fadhiidnimada dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo maddadii uu da’ayay magaalada u bedelay berkad biyood ama haro biyuhu fadhiistaan ka dib markii laagaha biyo mareenada ah ee magaaladu ay wada awdmeen ee uu qashin xidhay taasina ay sababtay in ay wax iska bedelaan  habsami u socodkii  biyaha laagaha magaalada ka gudbayay ee ku darsamayay dooxa weyn  ee magaalada Hargeysa.

Waxaanay taasi sababtay in magaalada qaybo   badan oo  ka mid ah in ay biyuhu xannibaan isu socodkii gaadiidka iyo dadka isla markaana la isaga gudbi  kari waayo waddooyin badan oo muhiim u ah isu gudubka magaalada.

Waxaa kale oo dhacday in laago badan oo biyo mareeno ah oo dusha laga deday isla markaana hoostoodana uu qashin buuxiyay in ay xannibmeen biyuhu isla markaana meherado badan ay biyuhu ku fataheen oo ay galeen.

Waxaana meesha ka baxday guud ahaan adeegii laga rabay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo noqday mid aan jirin

Sidii lagu yaqaanay maamulkii dawladda hoose ee  ka horreeyay maamulka xilligan ee u gadhwadeenka u yahay Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco) waxaa xilli roobaadka la bilaabi jiray intaanu cirku curan in la sii banneeyo dhammaan laagaha biyomareenkaah ee magaalada isla markaana waxaa laga guri jiray dhammaan wixii qashin iyo ciid ah eek u jira laagaha biyo mareenka ah waxaa kale oo lagu arki jiray mararka  roobsidan u wayni uu magaalada ka da’ayo madaxda dawladda hoose oo roobka dhex qaadaysa oo shaqaynayasa isla markaana xog ogaal u noqonaya haddii uu jiro wax qasaare ah oo raxmadda ALLE ay sababtay,laakiin mayer Soltelco iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargyasa hal qof oo ka mid ah lama arag muddadii uu roobku da’ayay.

Waxaa xusid mudan in ciidanka boolisku uu aad u shaqaynayay intii roobku da’ayay oo ay ciidanka boolisku roobka dhex qaadayeen isla markaana gurmad u fidinayeen dadka jilicsan ee  waddooyinka ka gudbayay ee roobku helay waxaa kaoloo si wayn u shaqaynayay waaxda nabad gelyada waddooyinka ee booliska(taraafikada) oo aad ugu dedaalay iyadoo roob weyn oo mahiigaan ahi uu da’ayo in ay dhex qaadaan oo ay ku dedaalaan in ay isu socodka gaadiidka ee waddooyinka furan oo ay ka hor tagaan in waddooyinku wada xannibmaan.

Qasaaraha roobka ee la ogyahay illaa imika ayaa ah in dooxa way nee caasimadda Hargeysa uu  la tegay oo uu qaaday laba   gaadhi oo yar yar oo kala ah tagsi nooca loo yaqaano fareesa iyo tagsi nooca loo yaqaano barabogos.

Dad goob joogayaal ahaa oo aan kula kulanay markii  labada gaadhi uu daadki qaaday biriijka weyn ee Hargeysa ayaa Xogsoor Media u xaqiijiyay in labada gaadhi dadkii saarnaa laga badbaadiyay islamarkaana dooxu ka soo qaaday wadada  ka gudubta dhanka beerta Xorriyada,halkaas oo ay labada gaadhi doonayeen in ay ka tallaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here