Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Pro. Cabdi Cali Jaamac oo ahaa agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo shalay shaaciyay in uu iska casilay xilka uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Muuse,ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-giisa,waxaa uu ku sheegay hadak isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku dhex maray Tilifoonka iyo waxyaabihii ay is yidhaahdeen iyo ballan kulan ah oo Madaxwynuhu u qabtay in ay isku arkaan oo qaaqday oo sabab u noqday in uu is-casilo
Qoraal kooban oo uu bartiisa facebook ku baaiyay ayaa u dhignaa sidan. “Faahfaahin Kooban: Iscasilaad.
Horta qofna Telefon kama qaban, Face-book messages-kana uma jawaabin cidna, suaasha ugu badanina waxay ahayd sababta aan isu casiley.
Waxan garawsaday in aad xaq u leedihiin in aan erayo kooban idinku sheego sababta aan xilka uga tegay, taasoo ah sidan soo socota:
Madaxweynaha ayaa telefoon igula soo hadlay sabtidii; wuxu igu yidhi hadal macnihiisu yahay(not literally) ha u mareexaanayn wasiirka!!! taas waynu isku dilaynaa!!! Markii aan ku idhi madaxweyne aan kuu imaaddo oo aan is difaacana wuxu yidhi laba cisho iga maqnaw, markaa shalay oo arbaca ah ayaan tegay. Waxana la ii sheegay in aanay ballan ii oollin.
Haddaba, shaqaalaha iyo dadka wasaaradduba way sheegi xaqiiqada jirta ee anigu ma garanayo meel qawl iyo ficil midna aan ugu mareexaaneeyay wasiirka, kumana jirto qiyamkayga, dadnimdayda iyo damiirkayga in aan ku dhaqmo sifooyin ceynkaas ah.
Haddaba haddii Madaxeynuhu aaminsan yahay in dhaqankaasi aanu fiicnayn; Haddii aniguna aanan ku sifoobin dhaqankaas oo la ii waayo qawl iyo ficil aan ku mareexaanaynayo; ninka ashkatooday oo wasiirka ahi haddii isna uu aaminsan yahay in dhaqankani xun yahay oo uu ka dhiidhiyay ,markaa su’aasha jawaabta u baahani waxa weeyaan: yaa run sheegaya oo neceb dhaqankan?!!!!!
Raali ahaada haddii sidii Trump aan Twitterka warka idiin soo mariy
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland