Jawaari oo Aamusnaan Isku Casilay iyo Qudbad uu Baarlamaanka u Jeedin Doono oo La Muddeeyay

0
433

Su’aalo badan oo ku gedaaman is-casilaadda Jawaari

Muqdisho (Xogsoor Media.Net): – Guddoomiyaha golaha Shacabka SoomaaliyaProf: Maxamed Cismaan Jawaari,ayaa la shaaciyay in uu is-casilay isla markaana uu  xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya  qudbad u jeedin doono maalinta arbacada ee 11  bishan kulan ka duwan  kulamadii is-diidanaa ee soo maray aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ay mudaneyaashu isugu iman doonaan.

Guddoomiye  ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa  maanta  xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaa mar kaliya ka war helay qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari sheegay in uu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa xildhibaannada u sheegay in maalinta Arbacada ah uu qudbad ka jeedin doono Jawaari Golaha Baarlamaanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Prof Jawaari oo ka hadlaya  sababta uu isku casilay iyo in xaqiiq tahay is-casilaadda guddoomiye ku-xigeenkiisa koobaad  xildhibaanada u akhriyay.

Waxaa labadii habeen  ee u dambeeyay kulamo wakhtiyo badan qaatay oo la iiku gaadhay illaa waaberigii wada yeeshay Guddoomiye Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Inkastoo kulankii habeen hore la sheegay in lagu kala tegay natiijo la,aan wax la isla qaatayna aanay jirin waxaa hadana la isgu soo noqday kulan dambe oo xalay qabsoomay oo  labada masuul ee ugu sarreeya dawladda Federaalka Soomaaliya ay wada yeesheen oo isna illaa salaaddii subax ee saaka kulankooda dambe uu qaatay,waxaanu kulankaa dambe meesha ka saaray in uu furmo maanta fadhigii xildibaanada golaha shacabka Soomaaliya oo uu hore u muddeeyay Guddoomiye ku-xigeenka koobaad lagunasheegay in lagaga doodi doono isla markaana cod loogu qaadi doono mooshinkii ka dhanka ahaa Prof: Jawaari.

Waxaana saaka markii xildhibaanadu ay kulankii loo balan sanaa ay ka soo xaadireen xildhibaanadii Mooshinka watay in kulankii  uu baaqday ka dib markii Madaxweynaha codsi ka yimi.

Saaka warkii ugu weynaa  ee la hayay wuxuu ahaa in kulankii dib loo dhigay oo keliya laakiin mar dambe oo isla maanta ah ayay soo baxday in uu Jawaari is-casilay taasoo uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenkiisa koobaad oo xildhibaanada uakhriyay waraaq uu sheegay in ay ka timi guddoomiye Jawaari oo ku sheegay is-casilaadiisa haddii ay taasi xaqiiq noqotana waxay ka dhigaysaa Prof: Jawaari in uu is-casilaaddiisa ka dhigay mid aamusan oo uu soo mariyay  ku-xigeenkiisii koobaad ee mooshinkii lagu ridayay u sacab tumayay.

Su’aalo ku gedaaman is-casilaadda Jawaari ayay  ka mid yihiin, haddii is-casilaaddu ay Jawaari si shaqsi ah uga soo go’day muxuu u hadli waayay.?  Ma is-casilaad lagu qasbaybaa oo wuxuu ku jiraa xaalad u dhiganta af-duub  oo isagoo aan xor ahayn ayuu is-casilaadda qoray.? Mise wuxuu odhanayo iyo hadalkiisaba  wuxuu u dhigtay maalinta arbacada ee uu xildhibaanada la hadlayo oo maalinta berry ah oo keliyi innaga xigto.? Ma nin laga adkaaday ayuu noqday oo itaalayaa u run sheegay oo xaqiiqo cad oo  uu dhaafi kari waayay ayaa hor timi.?

Mise Is-casilaaddiisu waa xeelad siyaasadaysan oo uu la sugayo kulanka arbacada taasoo uu ka soo bixidoonowax kaduwan warka is-casilaadda ah ee imika laga sheegay ee uu ku-xigeenkiisa koobaad waraaqda aan warbaahinta la tusin uu ka akhriyay waxaanu noqon doonaa warkiisu warkii xiisaha iyo hadal haynta badnaa bilo ka hor ee Raysal-wasaaraha Lubnaan oo booqasho ku joogay Sucuudigu  uu is-casilaad ku dhawaaqay laakiin markii dambe  is-casilaadda ka noqday.

Su’aalahaa ku gedaaman is-casilaadda jawaari waxaan jawaabahooda oo dhan kaheli doonaa afka Jawaari hadalka ugu horreeya ee ka soo baxa.

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here